Somaliland oo Dacwad ka dhan Soomaaliya u gudbinaysa Maxkamadaha Caalamiga ah

Washington (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay kiiskeeda Madax-banaanida u gudbinayso Maxkamadaha Caalamiga ah ee Adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dacwadda madax-bannaanida Somaliland u gudbinagso maxkamadaha caalamka.

Wasiirka oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka dacwaynayaan Maxkamadaha waa weyn ee caalamka.

“Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahan nahay in aynu dowladda Soomaaliya gayno Maxkamad kasta oo Adduunka ah,” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd Maxamuud, waxaanu intaa ku daray in Maxkamadaha Afrika, Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ iyo kuwa Carabta ay gaynayaan doodda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwadda Madax-banaanida Somaliland oo uu sheegay inay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in ay doodda qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaanada dowladaha caalamka, ka dib markii Wasaaradda arrimaha dibeddu bishii hore ee sannadkan iskugu yeedhay wakiillada Somaliland ee dalalka Caalamka.

Hadalka Wasiir Kayd, ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Maraykanku diyaarinayso heshiis iskaashi oo dhex mara Somaliland.

Guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Sanet-ka Maraykanka, ayaa Khamiistii soo saaray Sharci jidaynaya in Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanku uu Aqalka Congress-ka Maraykanka u gudbiyo war-bixin ku saabsan sida ay iskaashi u yeelan karaan Somaliland iyo Maraykanku.

Arrimahan ayaa ku yimid, safar shaqo oo Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku joogaan Magaalada Washingto DC, kuwaasi oo halkaa kula kulmay Guddiyada arrimaha dibedda ee Sanet-ka iyo Congress-ka Maraykanka iyo sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka Maraykanka ee uu guddoomiyaha u yahay Madaxweynaha dalkaasi Joe Biden.

Weftiga Somaliland oo weli ku sugan Magaalada Washington, ayaa sidoo kale la kulmay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan waaxda arrimaha Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net