Somaliland oo Daan-daansi ku tilmaantay Saanad-Milatari oo Shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dareen-celisay saanad-milatari oo Jimcihii shalay Dowladda Shiinuhu ugu deeqday Soomaaliya xilli ay dalka Maraykanka safar shaqo ku joogaan madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hooggaaminanayo.

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Somaliland

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile oo arrintan ka hadlay, ayaa qalabka ciidan ee dowladda Shiinuhu ugu deeqday Soomaaliya  ku tilmaamay talaabo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Maxamed Cali Bile oo qoraal ku baahiyay bartiisa Twitterka, waxa uu taageerada millateri ee Shiinaha ku sifeeyey daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Taiwan.

“In uu Shiinuhu agab millateri siiyo Soomaaliya xlili Madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Maraykanka, maaha isku soo aad caadi ah, laakiinse waa daan-daansi la doonayo in lagu waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, iyo iskaashiga soo baxaya ee Maraykanka” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cali Bille.

Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha, ayaa xumaaday tan iyo markii ay sannadkii 2020 xidhiidhka la yeelatay Taiwan, sidoo kale xidhiidhkan ayaa uga sii daray xidhiidhka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya oo aan awalba fiicnayn.

Somaliland ayaa isku dayaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka oo Taiwan saaxiib qadiimi ah la ah, waxayna u aragtaa fursad ay reer galbeedka kaga heli karto taageero la mid ah ta ay Taiwan siiyaan, iyadoo ka faa’iidaysanaysa tartanka gobolka Geeska Afrika ay ugu jiraan waddanka Shiinaha iyo waddamada reer galbeedka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo u warramay warbaahinta TheWorld shalay, ayaa sheegay inaanay dowlad ahaan dani ugu jirin cadaawad dhexmarta dal-weynaha Shiinaha, balse ay xaq u leeyihiin inay xidhiidh la sameeyaan cid kasta oo danaynaysa xidhiidh dublomaasi iyo iskaashi dhexmara Somaliland.

“Taiwan waa dal aanu wax badan wadaagno, saaxiib aanu wax badan ka baranayno ayay noo tahay. Annagu cadow kuma nihin Shiinaha oo aanu doonayno inay fahmaan qadiyadda Somaliland,” sidaas ayuu madaxweynaha Somaliland u sheegay warbaainta TheWorld.org

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net