Somaliland oo Daah-furtay Barnaamijkii u horreeyey ee Sahanka Caafimaadka iyo Xogta Shacabka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daahfuay barnaamijka Sahanka Caafimaadka iyo Xogo ku saabsan Arrimaha bulshada ee Shacabka Somaliland oo markii u horeysay xukuumaddu ka samaysay dalka.

Munaasibad lagusoo bandhigayey Xog-ururinta laga sameeyey Qaybaha kala duwan ee bulshada dalka oo ku saabsan Caafimaadka iyo Arrimaha kale ee bulshada, waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Cumar C. Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibada daahfurka sahanka caafimaadka iyo arimaha bulshada ee Somaliland ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay xogtani u leedahay dalka.

“Waa sahan aad u muhiim ah oo iftiiminaaya arrimo badan oo la xidhiidha Caafimaadka, Biyaha iyo arrimaha bulshada . kaasi oo xambaarsan xog balaadhan oo aynu u isticmaali doono arrimo kala duwan” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa soo jeediyey in xogta lagu qoro Afsoomaali si loo gaadhsiiyo bulshada Somaliland.

“Xogta in afsoomaali lagu qoro waa muhiim iyada oo la gelinayo Wargeysyada, Idaacadaha iyo Telefashinada, maalinba mawduuc si umadda loogu soo bandhigo si uu gobol walba u garto halka uu ku wanaagsan yahay ama ku liito,” sidaas ayuu yidhi Md Saylici.

Barnaamijkan lagu soo bandhigay Sahanka caafimaadka iyo Xogo kale oo la xidhiidha Arrimaha bulshada oo ay wada-jir u fuliyeen Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Qorshaynta Qaranka oo kaashanaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan tirakoobka ee UNFPA, waxa maalgeliyey dalalka UK, Sweden, Finland iyo Midowga Yurub.

Barnaamijka oo loogu magac-daray “Somaliland Health and Demographic Survey, ayaa lagu soo bandhigay warbixin laga sameeyey si qoto-dheer u muujinaysa heerka adeegyada Caafimaad ee dalka iyo nolosha ay ku nool yihiin Dumarka iyo Carruurta ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinkaba.

Xog-ururinta uu barnaamijkani xambaarsan yahay ayaa laga sameeyey in ka badan 20,000 qoys oo ku kala nool miyiga iyo magaalooyinka lixda gobol waaweyn ee dalka intii u dhaxaysay sannadihii 2018-kii ilaa 2019-lii, waxaanay warbixinta laga diyaariyey soo bandhigaysa xogo ku saabsan dhinacyada caafimaadka, tacliinta, guurka, dhalmada, shaqada, biyaha iyo fayo-dhowrka, kharashka adeegyada caafimaadka, Xannuunnada raaga iyo heerka nafaqada Haweenka iyo Carruurta.

Guji Halkan si aad ula soo degto Warbixin xambaarsan Xogta Sahanka ee maanta la daah-furay

Xogta ku duugan Sahanka, ayaa caawinaysa dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta Arrimaha Bulshada kala shaqeeya inay xog muhiim ah oo ku filan ka helaan heerka Caafimaadka iyo nolosha haweenka iyo carruurka reer Somaliland.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo daah-furka barnaamijka

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net