Somaliland oo Codsatay Taageero lagula Dagaallamo Dambiyada Badaha ka Dhaca

Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland
Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland
Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa weydiisatay Midowga Yurub taageero dheeraad ah oo loo fidiyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha si awood buuxda loogu helo la-dagaallanka dambiyada ka dhaca badda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladaha Xeebaha Adhmiral Axmed Aw Cismaan Cabdi oo kulan magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay taliyaha hawlgelinta rayidhka ah ee Midowga Yurub Mr. Kenneth Deane toddobaadkan, ayaa ka codsaday taageero lagula dagaallamo dambiyada ka dhaca biyaha badda Somaliland.

“Weftiga ka socda Midowga Yurub waxay booqdeen xarumaha Ciidanka Ilaaladaha Xeebaha ee magaalada dekedda ah ee Berbera, halkaasoo lagu jiro halgan lagula dagaallamayo budhcad-badeedda iyo kalluumaysiga sharci-darrada ah, iyadoo aan la haysan waxyaabaha aasaasiga ah oo dhan. Waxa masuuliyiinta Somaliland uga mahadnaqeen weftiga EU-da ee uu hoggaaminayo taliye Kenneth Deane taageerada iyo shaqada Midowga Yurub ka fuliyaan degaanka, waxayna masuuliyiintu hoosta ka xarriiqeen sida ay ugu baahan yihiin in la siiyo taageero si guulo looga gaadho dagaalka ka dhanka ah dambiyada ka dhaca badda oo u dhow degaan aan amnigiisu fiicnayn.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay goobaha shaqo ee Midowga Yurub ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya shalay.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay in sarkaalka Midowga Yurub uu kormeeray xarumaha magaalooyinka Geeska Afrika ciidanka badda EU-da ee la-dagaallanka budhcad-badeedda (EUCAP Nestor) ku leeyihiin, kuwaasoo ay ka mid yihiin magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland, Muqdisho iyo Garoowe oo ah Soomaaliya.

Weftiga Midowga Yurub, ayaa masuuliyiinta dawladda Somaliland ee uu kulanka la yeeshay kala hadlay la-dagaallanka budhcad-badeedda, dambiyada ka dhaca badaha iyo sidoo kale adeegyada iskaashi ee lagula dagaallamayo waxyaabaha khatarta ku ah ammaanka biyaha badda.

Courtesy: JMG