Somaliland oo Cashuur-dhaaf qayrul-caadi ah u soo bandhigtay Maalgashatada Caalamka

WASIIRKA GANACSIGAHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Muuse Qaasim, ayaa sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso maal-gashi dibadeed oo waddanka laga sameeyo isla markaana ay xukuumadda uu ka tirsan yahay u qorshaysay in cashuur la’aan ay ku hawl-galaan shirkadaha maalgashiga ka samaynaya dalka saddexda sannadood ee u horeeya.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo khudbad ka jeedinayey maanta shirka Maalgashiga iyo Xidhiidhka ganacsi ee Somaliland oo ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in saddexda sanno ee u horreeya cashuur la’aan looga dhigayo ciddii maalgashi ku samaysa Somaliland, wixii intaa ka dambeeya saddexdaas sannadood boqolkiisa 50% laga dhimayo cashuurta ku waajibtay nooca maalgashi ee ay ka samaystaan dalka.

Shirka dhiirri-gelinta maalgashiga iyo xidhiidhka Ganacsiga oo ay iska kaashadeen labada dawladood ee Somaliland iyo Britain, waxa goob-joog ka ahaa isla markaana lagu soo marti-qaaday wufuud kala duwan oo ka socotay Shirkado caalami ah, ganacsato ajaanib ah iyo qaar muwaadiniin ah iyo wakiillo ka socday waddamada Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee Somaliland ka taageera dhinacyada horumarka iyo kobcinta adeegyada bulshaada.

“Somaliland waxay maal-gashatada u samaynaysaa cashuur dhaaf saddex sannadood ah. Saddexda ku xiganna waxaanu ka dhigaynaa 50 ah,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah.

Wasiirka oo la hadlayey ganacsatada iyo maalgashatada ka qayb-gashay shirka, waxa uu yidhi, “Maalgashigiinna ugu hura Somaliland nabadda ka jirta, dimuqraadiyadda iyo cashuur-dhaafka aanu dhiirri-gelinayno.”

Shirkan waxa dawladda Ingiriiska uga qayb-galay isla Wasiirka xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gargaarka Caalamiga ah, halka dhinaca Somaliland ay uga qayb-galeen madaxweyne Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Ganacsato ka socotay Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET