Somaliland Oo Beesha Caalamka u Bayaamisay Walaacyo Soo Food-saaray Xasiloonnida Gobolka Geeska Afrika

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay hub tiro badan oo dawladda Masar dhawaan ku caawisay maamulka Muqdisho, kaasi oo ay ku tilmaantay inuu curyaaminayo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa ka deyriyey saamaynta hubka culus ku yeelano karo mandaqadda maadaama oo maamulka Muqdisho aanu awood u lahayn inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay oo looga cabsi qabo inuu uga sii daro xaaladda ammaanka Gobolka oo aan cago buuran ku taagnayn.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland waxa ay sheegtay in kooxaha kala duwan ee ka jira dalkaasi ay raadinayaan inay gacanta ku dhigaan hub ay ku ilaaliyaan maslaxaddooda, sidaas awgeedna ay ka walaacsan tahay inuu hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah iyo malleeshiyo beeleedyada ka dagaalamaya dalkaas.

Advertisement

Warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa baaq loogu diray beesha caalamka  oo loo soo jeediyey inay qaadaan tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagaga hortagayo walaacyada laga Muujiyey hubkaas. Warku wuxuu intaas ku daray inay tallaabooyinkaasi muhiim u yihiin sidii looga hortagi lahaa colaado hor leh oo Gobolka ka qarxa, isla markaana lagu xaqiijin karo xoojinta xasiloonida mandaqadda.

“Ficillo degdeg ah oo la qaadaa waxa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qulqulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka ee aan cagaha adag ku taagnayn,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxa ay iftiimisay sida ay uga go’an tahay inay ciyaarto doorkeedaku wejahan xoojinta nabada, waxaanay ku boorisay dhinacyada ay khusayso inay si hufan masuuliyadooda uga gutaan inta aanay xaaladdu gaadhin heer aan waxba laga qaban karin.

Follow us On