Somaliland oo baadhaysa Walxo Diyaarado Dagaal ku tureen Deegaan ka tirsan Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Diyaaraha aan la aqoonsan ee walxaha ku daadiyey Deegaano ka tirsan Degmada Salaxlay, waxaanu sheegay in xukuumad ahaan ay arintan baadhitaan ku samaynayaan, balse aanay marnaba raali ka ahayn in lagu soo xad gudbo Badda, Hawadda iyo Dhulka Somaliland.

wasiirka-arrimaha-gudaha-somaliland-yaasiin-faratoon

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Berbera iyo roobabka curtay, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay isagoo ka jawaabay diyaaradahan walxaha daadiyey iyo waxaa Xukuumad ahaan uga meel yaala.

 

“Dawladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dawlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo, wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dawlad ahaan arintan waanu hubinaynaa, oo waanu baadhaynaa siday wax u dhaceen, marka ay wax dhacaana waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan Wadamada Jaarka, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba lagu soo xad gudbo,”.

 

Mar uu ka hadlaayey Socdaalka Madaxweynaha ayaa yidhi, “Anigu waxaan ka mid ahaa Dadkii Madaxweynaha u raacay Magaalada Berbera,Mashaariico badana waanu furnay maanta (shalay), horumarkaas ka socda Berbera waa horumar inoo soo kordhay, oo faa’iido badan u leh dalkeena iyo dadkeenaba, oo Dekaddeena oo ah halkay wax inooga soo degaan horumar weyn baa la gaadhsiiyey, aad iyo aadna waanu ugu faraxsan nahay, qaabka ay hadda u shaqeeyso iyo dawladdu waxay mar kasta diyaar u tahay inay dalka horumar balaadhan oo dhan kasta ah gaadhsiiso iyo inay shaqo abuur sameeyso”.