Somaliland: Nuxurka Heshiis Laba Geesood ah Oo Dhexmaray Maxkamadda Sare iyo Jaamacadda Abaarso Tech

Heshiiska Maxkamadda sare iyo Abaarso Tech

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland iyo Jaamacadda Abaarso Tech, ayaa kala saxeexday heshiis laba geesood ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Axmed Xuseen Ciise, ayaa si wada-jir ah u saxeexay heshiis waxbarasho oo Jaamacaddu ka caawinayso Hal-wadeennada Maxkamadda Sare iy Guud ahaanba bahda Garsoorka Dalka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Maxamed Cali, ayaa lagu faahfaahiyey nuxurka heshiiska.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa heshiiska ku wehelinayay la taliyaha dhanka farsamada ee Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur halka Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ay wehelinayeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Axmed Ismaaciil Cabdi iyo Mawliid Cabdilaahi Yoonis oo kamid ah hormuudada (Deans) Jaamacadaasi.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa uga mahad-celiyay Jaamacadda Abaarso, deeqda waxbarasho iyo heshiiska ay wada gaadheen, waxaanu ku tilmaamay fursad-weyn oo bahda Garsoorka iyo Cadaaladda u soo hoyatay. Guddoomiyaha ayaa xusay in deeqdan iyo heshiiskanbaa ay ka faa’iidaysan doonaan qaybaha kala duwan ee Garsoorku, waxaanu tilmaamay in ay kamid noqon doonto fursadaha aqoon-korodhsi ee Garsoorku helo.

Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in cilmigu yahay shayga ugu qaalisan ee jiheeya shakhsiyada qofka isla markaana u horseeda horumarka uu hiigsanayo. Waxaanu is-dul-taagay in fursadani ay muhiim u tahay labada dhinacba haddii ay tahay Maxkamadda Sare oo matalaysa Bahda Garsoorka iyo Jaamacadda Abaarsaba. Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa xusay in heshiiskani qayb ka yahay heshiisyo ay Maxkamadda Sare la gashay Jaamacadaha dalka, waxaanu ugu baaqay guud ahaan hawl-wadeenada Garsoorku in ay ka faa’iidaystaan deeqda iyo heshiiska waxbarasho ee ay wada-gaadheen Maxkamadda Sare iyo Jaamacadda Abaarso.

Heshiiska Maxkamadda sare iyo Abaarso TechGeestiisa Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay heshiiskan ay wada gaadheen, waxaanu xusay in Cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan dhismaha dawladnimada, waxaanu xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay doorkooda ka qaataan horumarka Garsoorka iyo cadaaladda ee dhanka waxbarashada.

Guddoomiye Axmed Xuseen ayaa tilmaamay in aanay Jaamacaduhu kaliya u taagnayn in ay arday waxbaraan hase yeeshee ay u taaganyihiin in dalkooda ay wax ku soo kordhiyaan, haddii ay noqoto daraasad iyo aqoon cusub labadaba. Gunnaanadkii wuxuu tibaaxay in Jaamacadda ay sharaf u tahay in ay la bahowday Garsoorka isla markaana ay diyaar u yihiin wixii iskaashi ah ee heshiiskani jidaynayo.”, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net