“Somaliland ninka Cadowga u ah ee soo weerara, ma barido ee way iska Celisaa, waa layska kaa celinayaa” – Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Guddi uu madaxweynaha Somaliya uu u magacaabay wada-hadallada u dhexeeya labada waddan iyo saddex qodob oo uu ujeeddada magacaabista guddiga iyo hawlaha ay qabanayso lagu saleeyey.

 

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay Markab Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera oo muddo todobaaddo ah ku xannibnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga Carabiya, balse markii dambe la sii daayey, cidii iska lahayd xoolaha Markabka ku rarnaa iyo haddii ay jirto doorkii ay dowladda Soomaaliya ku lahayd xannibaadda iyo sii-deynta Markabka.

 

 

Ugu horeyn Madaxweynaha oo ka hadlayey Guddiga uu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo u magacabay wada-hadallada Somaliland, waxa uu yidhi, “Maalahan waxa saxaafadda ku jiray guddi la sheegay inuu magacaabay madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdilaahi. Guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin mayno.”

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

 

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in markabka Xoolaha ka qaaday Dekedda Berbera ee muddada ku xannibnaa dalka Sucuudiga uu iska lahaa Bangiga Horumarinta Islaamka, dowladda Soomaaliya-na isku dayday inay dowladda Sucuudiga kala hadasho sidii loo xannibi lahaa, balse taasi u suurtoobi weyday, sii deynta markabka ee ay sheegatay dowladda Somaliya aanay waxba ka jirin.

 

“Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno. Wuxuu bilaabay cadaawad dhinac walba ah hadday tahay mid faro-gelineed, mid ciidan, mid dhaqaale, mid baro-bagaando, dhinac walba oo aan tudhaale lahayn. Tii shalay ee Adhiga ayaa u dambaysay oo waliba ceebtooda ay ku faaneen oo yidhaahdeen annagaa sii daynay oo caalamku la yaabay markii ay horjoogsadeen dadkii Xajka adhigii ay ka iibsadeen Berbera.

 

Madaxweynaha oo sharraxayay sababta loo xannibay Makabka Xoolaha Siday, waxa uu yidhi,  “Baanka Islaamka meelaha ugu badan ee uu wax (Adhiga) ka iibsado waxa ugu badan Soomaalida, inta badanna wuxuu ka dhoofaa Berbera dhowaanshiyaha dekedda oo ku habboon awgeed. Markaa dhowr bilood ka hor ayuu Baanku Islaamku meelihii uu adhiga ka iibsan jiray ka iibsaday oo lacagtiina badh sii shubay. Markaa dhiga la raray waxa isla lahaa Baanka Islaamka, ganacsatada Somaliland-na heshiis bay ku jireen in lacagtaas qaddimaadda ahna sii hayaan, xoolahana la raro, markaa waxa is-haystay Baankii iyo nimankaas Muqdisho jooga.”

 

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyey, “Markaa Waa Cadaawadda Illaa halkaas gaadhsiisan, Somaliland-na cadaawad ayaa ka dhaxaysa. Somaliland ninka Cadowga u ah ee soo weerara, ma barido ee way iska Celisaa, waa layska kaa celinayaa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net