Somaliland: Natiijada Hordhaca ee Codbixinta Lix Degmo-doorasho oo lagu dhawaaqay

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Degmo, ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka ee Lix degmo-doorasho oo ka tirsan 23 degmo-doorasho ee Somaliland ka kooban tahay.

Degmooyinka lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee codbixinta, ayaa kala ah Taleex, Xuddun, Lughaya, Saylac, Gar-adag iyo Sallaxley.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa hoggaaminaya inta badan lixda degmo ee codbixintooda lagu dhawaaqay. Lixda degmo wadar ahaan marka laysku daro kuraasidoodu yihiin 56 Kursi, kuwaas ooo 30 ka mid ah uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye, halka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ka helay 17 Kursi. Xisbiga UCID ayaa helay 9 Kursi.

Advertisement

Natiijada Hordhaca ah ee Lixda Degmo-doorasho ee la shaaciyey

Shaxda Hoose kaga Bogo sida ay xisbiyadu ugu kala guulaysteen kuraasida Lixda degmo-doorasho.

Follow us On