Somaliland: Natiijada Cilmi-baadhis lagu soo bandhigay Saamaynta Maalgeshiga Ethiopia ku yeelan karo Dakhliga Dowladda iyo Ganacsiga Gudaha

Hargeysa (SLpost)- Cilmi-baadhis laga sameeyey saamaynta uu Dakhliga Dowladda iyo Dhaqaalaha Gudaha ku yeelan karo saamiga dalka Ethiopia laga siiyey Maalgeshiga Dekedda Berbera, ayaa maanta natiijadeeda lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

 

Cilmi-baadhista oo ay maalgeshiga Wasaaradda Maaliyadda Somaliland isla markaana ay sameeyeen Aqoonyahanno madax-bannaan, waxa goobta lagu soo bandhigay natiijada goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyaan shaqaale ka tirsan Wasaaraddiisa, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, xubnaha sameeyey cilmi-baadhista oo ku saabsan Heshiiska Maalgeshiga Ethiopia iyo Isu-gudubka badeecadaha labada waddan.

 

Muuqaalkan Hoose kaga bogo warbixin laga diyaariyey arrintan