Somaliland: Muxuu Wasiirka Arrimaha Guduhu Kala Hadlay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka.

Kulankan oo ku qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa
Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka waxa uu warbixin ka siiyey u diyaar garowga wejigii u danbeeyey ee madax-taabashada lagu kala saarayo Ururrada cusub, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddidu ay Wasiirka u sheegeen in ay u diyaar garoobeen qabashada madax-taabashada Ururrada oo ay xuseen inay Gobolada Dalka ka bilaabmayso 21-ka bishan October.

Advertisement

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu mahadnaqay guddida hawsha culus ee ay Qaranka u hayaan iyo dedaalkooda, iyadoo ay bishan 21 keeda ay madax taabashadu ka bilaamayso Gobolka Awdal, halka ay 31 bishana ay ku soo dhamaanayso, iyadoo Gobolka ugu danbaynayaa noqonayo Gobolka Sool.

Doorka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ayaa ah sugidda Amniga, taasoo ah ta ugu muhiimsan, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, uu wareegto uu saaray ku amray Badhasaabada Gobolada iyo Taliyayaasha Ciidanka Ammaanka in ay la shaqeeyaan Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, taasoo dhaqan-gashay 13-kii bishan,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxa wa-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland uu Guddiga u xaqiijiyey inay Badhasaabada Gobolada iyo laamaha kala duwan ee Amniga diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan hawsha madax taabashada ee Ururrada Siyaasadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Follow us On