Somaliland: Maxkamadda Sare oo Fursad u Siisay Dadka Reer Miyiga Inay Caddaaladda Ku Helaan Deegaamadooda.

“Waxaanu tegi doonaa goobo Miyiga ka tirsan kuna dhegeysan doonaa dacwado ka taagnaa.” Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adan Xaaji Cali.

Burco-(SLPost)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda & Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka Dr Adan Xaaji Cali ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhegeysan doonaan dacwadaha Maxkamada Sare soo gaadhay goobaha ay ka dhaceen ee dhamaan Gobolada Barriga.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adan & wefdi ka tirsan Maxkamada Sare oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer, ayaa doraad kulan lagu dardargelinayo hawlaha garsoorka & Caddaaladda la qaatay bahda Garsoorka Maxkamada Degmada Burco, iyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala.

6s

Kulanka oo hadalo ka jeediyeen Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka, Gobolka, Degmada Iyo Xeer-ilaalinta Togdheer ayaa dhamaantood soo dhoweeyey, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa,

“Waxa innala jooga Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda, ahna Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka Dr Adan Xaaji Cali, oo u yimi dacwadahii ka tegay Gobolka Togdheer ee Maxkamada Sare gaadhay inay halkan ku qaadaan, kuwii Dilka, Kufsiga, Khamriga ahaa ee cuslaa, dadkana u soo dhoweeyaan,”

“Gudoomiye, dhamaan bahdii Garsoorka Gobolka Togdheer, oo halkan jooga, waxay diyaar u yihiin waxii dhiirigelin ah, Tilmaan ah, isla Xisaabtan ah,”

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adam Xaaji Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in imaatinoooda gobolka Togdheer saddex muhiimadood leedahay, waxaanu yidhi,

“Waanu ku faraxsan nahay inaan is-aragno, kulanno, waxii tallo iyo tilmaamo idiin soo jeedinno, waa muhiimada koowaad.

 

Gudoomiye Aadan oo ka hadlayey muhiimada labaad ee imaatinkooda Burco ayaa sheegay inay soo rareen Maxkamadii Sare, isla markaana hawlwadeeno iyo garsoorayaal badan la socdaan, waxaanu yidhi,

“Muhiimada Labaad, waxaan soo rarnay Maxkamdii Sare, waxa ila socda ilaa afartan qof, oo isugu jira, Garsoorayaal, Kaaliyeyaal, iyo hawlwadeeno kale, waxaanay Maxkamada Sare Fadhiyo ku yeelan doontaa Gobolada Barriga dhamaantood, taasoo ujeedadeedu tahay in meelahii dacwaduhu ka taagnaayeen lagu dhegeysto, hadday Ciqaab yihiin, iyo Maddani.

Gudoomiye Adam Xaaji Cali ayaa sheegay inay tegi doonaan goobo miyiga ah, oo dacwado ka taagnaa, waxaanu yidhi,

“Waxaanu tegi doonaa goobo Miyiga ka tirsan, kuna dhegeysan doonaa dacwado ka taagnaa oo soo wada maray Maxkamadaha Degmooyinka, Gobolada, Racfaanka, oo Maxkamada Sare soo gaadhay.

Talaabadan wefdiga Maxkamadda Sare oo u hogaaminayo Gudoomiye Dr Adan Xaaji Cali ugu socdaaleen gobolada Barriga ayaa wax badan ka tarri doona fursad bulshada deegaanadaasi u helaan inay go’aamadii caddaaladda ku helaan guryahooda.

Xigasho: Dawan media.

Halkan ka Daawo: https://youtu.be/Jgkh9Lh0T30