Somaliland: Maxkamad Dembi ku weyday Nin loo Haysto inuu Aflagaadeeyey Madaxweynaha Jabuuti

Aarre Sulaymaan

Gabiley (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska loo haysto nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Jabuuti, kaas oo bilihii u dambeeyey ku xidhnaa xabsiga magaalada Gabiley.

Maxkamadda Gobolka Gabiley, ayaa gebi ahaanba wax dambi ah ku weyday Aarre Sulaymaan Cawleed oo ah nin dhalinyaro ah oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Jabuuti, balse qaybo ka mid ah qoyskiisu deggen yihiin gobolka Gabiley.

Aarre Sulaymaan oo caan ka ah Baraha Bulshada, gaar ahaan Tiktok ayaa lagu eedeeyey in uu aflagaaddo kula kacay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xeer-ilaalinta oo kiiska ku soo oogtay Caarre Suleymaan, ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda gobolka Gabiley, waxaana dib loogu celiyey xabsigii uu ku xidhnaa, sida ay ku soo warrameen weriyeyaal ka hawl-gala gobolka Gabiley oo qaarkood goob-joog u ahaayeen dhegaysiga Dacwadda.

Caarre Cawleed ayaa ah muwaaddin reer Jabbuuti ah, balse sannadihii u dambeeyey ku noolaa gobolka Gabiley, waxaanu inta badan dhaliilaa hoggaaminta madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xeer-ilaalinta gobolka Gabiley oo dacwadda ku soo oogtay muwaadinkan reer Jabuuti, ayaa ku eedaysay inuu madaxweyne Geelle ku tilmaamay hoggaamiye Dadkiisa laaya iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyey, haseyeeshee Maxkamadda gobolka Gabiley waxa ay ku weyday dhammaan eedaymaha loo haysto.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net