Somaliland: Maxaabiis Falal Argagixiso u xidhnaa oo Cafis Madaxweyne lagu sii daayey

Hargeysa (SLpost)- Xabsiga Dhexe ee magaaladda Hargaysa waxa maanta laga sii daayay shan maxbuus oo muddo ku dhaw 20 sanno u xidhnaa falal argagixiso.

Sii-deynta Maxaabiista Xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa timi kaddib markii uu cafis u fidiyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi maadaama oo uu hore u dhammaaday xukunkii lagu xukumay oo kooda ugu xadhigga badani ahaa 25 sanno.

Maxaabiista waxa ka mid ah Jaamac-Kuutiye oo hoggaaminayay koox dabley ah oo sannadkii 2003-dii jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa ku dilay Shaqaale Ajaanib ah oo u shaqaynayey hay’adda GTZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Advertisement

Waxa weerarkaas ku geeriyooday haweenka u dhalatay Kenya halka dhaawacyo ka soo gaadheen nin u dhashay dalka Jarmalka.

Xubnaha weerarka geystay oo lagu xidhiidhiyey kooxaha Argagixisada ah, ayaa gacanta lagu soo dhigay iyagoo ku sugan magaalada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxa hawl-galkaas si weyn uga qayb-qaatay bulshada deegaanka Dhoqoshay oo Ciidammada Qaranka gacan ka siiyey qabashadaas raggan.

Waxa kale oo maxaabiista xorriyadooda loo celiyey ku jira Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Indha-cadde) oo Maxkamadda gobolka Maroodijeex 25 sanno oo xadhig ku ridday sannadkii 2006-tii kaddib markii ciidammada ammaanku ka soo qabteen magaalada Berbera isagoo baxsad ah.

Cabdiraxmaan Indho-cadde, ayaa ka mid ahaa Koox Dabley oo Guri ku yaalla magaalada Hargeysa dagaal ku dhexmaray Ciidamada ammaanka kaddib markii laga war-helay inay qorsheynayaan falal argagixiso oo ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa xilli diyaar-garow loogu jiray Doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2005-tii.

Balse, sannadkii 2007-kii Maxkamadda Racfaanta ee gobolka Maroodijeex, ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Indho-cadde oo hore saddex jeer xukun loogu riday.

Haddaba, kaddib markii maanta laga soo daayey xabsiga Dhexe ee Hargeysa, xubnahan oo qaarkood u warrameen warbaahinta, ayaa ka hadlay dareenkooda iyo qaabka ay ku timi sii-deyntoodu.

Muuqaalka Hoose ka Daawo waraysi lala yeeshay Indho-cadde iyo Jaamac Kuutiye.

Follow us On