Somaliland: Maxaa lagu xidhay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil?

Advertisement

Hargysa (SLpost)- Ciidammada ammaanka ee Somaliland, ayaa subaxnimadii hore ee Isniintii shalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ah wadaad caan ka ah gudaha Somaliland iyo deegaanada Soomaalida kaleba.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaacil oo gelinkii hore ee Isniintii shalay ku sugan xarun uu dadka ku dabiibo, waxa ugu yimi oo ka kaxeeyey ciidamo ka tirsan kuwa Dambi-baadhista Booliska Somaliland, sida ay sheegtay Gabadh uu dhalay oo muuqaal ay xadhigga aabaheed kaga hadlayso, farriina ugu dirtay madaxweynaha ku baahisay baraha bulshada.

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo caan ku ah dabiibka Sixirka, Jinka iyo Durrooyinka, inta bandanna jeediya Muxaadarooyin Diini ah oo arrimahaas ku saabsan, waxay ay gabadha uu dhalay muuqaalka ay baahisay ku sheegtay in subaxnimadii hore ay ciidamo Boolis ahi ka kaxeeyeen xarunta uu ku dabiibo dadka ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana aanay ogeyn meel uu ku sugan yahay maadaama oo sida ay sheegtay ka soo eegeen dhammaan saldhigyada booliska ee Hargeysa.

Advertisement

Gabadha uu dhalay Sheekh Maxamed ismaaciil, ayaa ka codsatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hay’adaha ammaanka in ay ka jawaabaan codsigeeda oo ay ku dalbatay in aabaheed loo geeyo.

Sheekha Maxamed Ismaaciil oo maalintii Axadda la hadlay warbaahinta, ayaa dhaliilay qaabka uu u ula dhaqmay sarkaalka haysta Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag oo uu sheegay inuu u qabsaday ama ku haysto danbi aanu garanayn, islamarkaana uu xoog kaga soo saaray magaalada Ceerigaabo oo uu sheegay in uu maalmihii u dambeeyey u joogay hawlo nabadayn ah.

Waxaa kale oo uu Sheekhu hadalkiisaas ku sheegay in Sarkaalkaasi ku war-geliyey in loo haysto socdaal uu ku tagay magaalada Badhan oo Sheekh Maxamed Ismaaciil sheegay inuu magaaladaas u tagay hawlo daaweyn iyo Dabiib isugu jira.

Sheekh Maxamed Ismaaciil, ayaa hore loogu xidhay 7 sanno oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixiso oo Somaliland ka dhacay Xilligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, balse waxa uu markii dambe xabsiga kaga soo baxay Cafis madaxweyne badhtamaha sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ku beegnayd hal sanno kaddib markii uu talada dalka la wareegay madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Marka laga yimaaddo hadalka uu Sheekhu ka sheegay warbaahinta, Illaa hadda si cad looma oga Sababta dhabta ah ee ka dambaysa Xadhigga Maxamed Ismaaciil, mana jiro war ku saabsan Xadhiggiisa oo ka soo baxay Xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka dalka midkoodna.

Advertisement