Somaliland: Masuul ku Dhaawacmay Shil baabuur

Berbera (BerberaNews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo afar oo kale, ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil maanta.

Agaasimaha oo ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal ku tegay Gobolka Saaxil, ayaa sida la sheegay dhaawac culus ka soo gaadhay, kadib markii baabuur uu la socday kula qallibmay duleedka galbeed ee Berbera.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo afar qof oo kale oo shilkaas kula dhaawacmay ayaa markii hore la geeyey Cusbitaalka Guud ee Berbera, iyadoo markii dambe loo qaaday dhinaca caasimadda Hargeysa oo haatan lagu dabiibayo.

Agaasimaha ayaa qayb ka ahaa Wefti uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo magaalada Berbera u tagay kormeerka mashaariic horumarineed oo dowladda Hoose ka hirgelisay magaalada, kuwaas oo qayb ka ah barnaamijka JPLG oo ah mashariic horumarineed oo midowga Yurub ku taageero dowladaha Hoose ee dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net