Somaliland: Mashruuca JPLG oo markii u horeysay la wada-gaadhsiinayo Dalka iyo Tirada Degmooyinka ka Qayb-qaadanaya

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta shir isugu yimi Guddi heer Wasiir ah oo gacanta ku haya maamulka Mashruuca JPLG Horumarinta iyo Maamul-daadejinta Dowladaha Hoose ee dalka oo maalgelintiisa ay ka qayb-qaataan Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub.

 

Shirkan oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha Guddigan, waxa lagu faaqiday heerka uu marayo mashruucan iyo qaabka lagu wejahayo ku-talo-galka meelaha ugu muhiimsan ee ka qayb-qaadan doona mashruucan.

 

Madaxweyne ku-xigeen Saylici waxa uu sheegay uu sheegay inay qorsheeyeen sidii mashruucan loo gaadhsiin lahaa maamullada 23-degmo ee ka tirsan maamullada dowladaha Hoose ee dalka.

 

Mashruucan ayaa markii hore ku koobnaa dowladaha Hoose ee Degmooyinka waaweyn ee dalka, balse sida madaxweyne ku-xigeenku sheegay, waxa mashruucan la gaadhsiin doonaa dhammaan 23 degmo-doorasho ee xubnaha Maamulkoodu lagu doortay codka shacabka.

 

Faahfaahinta warkan ka daawo Muuqaalkan