Somaliland: Magacyada Gacan-ku-dhiigleyaal Xukun Dil ah lagu fuliyey

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xukun qisaas ah ku fulisay gacan-ku-dhiigleyaal hore loo xukumay kuwaas oo meelo kala duwan dilal uga geystay gudaha Somaliland.

Gacan-ku-dhiigleyaasha oo tiradoodu dhan 6 qof tahay, ayaa saaka lagu fuliyey xukunka qisaastaah iyadoo dhammaantood lagu toogtay goob fagaare ah oo ka soo horjeedda Xabsiga Dhexe ee Mandheera, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland, Xasan Axmed Aadan.

Lixda Marxuum ee maanta qisaasta lagu fuliyey ayaa sida war-saxaafadeedka ku qoran, waxay magacyadodu u dhignaayeen sida hoos ku xusan:-

  1. Gacan-ku-dhiigle Axmed Ibraahim Faarax, Ina Aamina Maxamed, kaas oo loo qisaasay Dil uu u geystay Marxuum Maxamed Cabdi Saleebaan.
  2. Gacan-ku-dhiigle Xasan Muxumed Cismaan, Ina Shukri Yuusuf, kaas oo loo qisaasay dilkii uu geystay Marxuum Ismaaciil Faarax Maxamed.
  3. Gacan-ku-dhiigle Khadar Aleel Xirsi, Ina Maryam Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystay Marxuum Siyaad Cabdi Muxumed.
  4. Gacan-ku-dhiigle Farxaan Maxamed Xasan, Ina Khadiija Khaliil, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystay Ibraahim Axmed Muuse.
  5. Gacan-ku-dhiigle Caydaruus Khadar Haybe, Ina Shahmaal Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii u geystay Idiris Daa’uud Jaamac.
  6. Gacan-ku-dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd, Ina Faadumo Cali, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystay Garaad Aadan Maxamed.

Xukunka Qisaasta ah ee Ciidamada Booliska Somaliland maanta fuliyey, ayaa noqonayaa kii ugu horreeyey muddo sannado ah la filayo, iyadoo wali ay xabsiyada dalka ku jiraan maxaabiis u xukuman xukunno Dil ah oo ay hor u geysteen.

Somalilandpost.net