Somaliland: Kumanaan Xujay oo Ka Baaqanaya Soo Gudashada Waajibaadka Xajka

Xujaajta iyo Muctamiriintii oo ku tukanaya Saxniga Kacbada

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay xujjaydii sanadkan tegi lahayd Xajku ka baaqanayaan, kaddib markii dawladda Soomaaliya siyaasaddaysay saamigii xujjayda ee Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Cabdirisaaq Albaani, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda wax xujjay ahi gudaha Somaliland uga diyaar-garoobin Xajka, sababtana ay leedahay Soomaaliya oo qoondo aan munaasib ahayn siisay.

Hore ayey xukuumadda Somaliland u sheegtay inay soomaaliya musuqmaasuqday tirada xujjayda dawladda Sucuudigu ogolaatay inay ka yimaadaan dalkii laysku odhan jiray Somaliya.

Shirkadda duulimaadyada iyo xukuumadda ayaa hore u diidday qoondada saddexda boqol ah, waxaanay go’aan midaysan ku sheegeen in aanay wax xujaaj ah qaadayn, haddii aan wax iska bedelin qoondada yar ee aanay u qalmin.