Somaliland: Komishanka oo Natiijada Hordhaca ah ee Doorashooyinka u gudbiyey Maxkamadda Sare

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah maanta u gudbiyey Natiijada Hordhaca ahayd ee Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 31-kii bishii May 2021.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Md Cabdirashiid Riyo-raac oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Komishanka, ayaa saaka Maxakamadda u gudbiyey natiijada Doorashada, waxaana kala wareegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland.

Sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka dalka, Maxkamadda Sare ayaa waxa ay hubin doontaa haddii ay jiraan cabashooyin ku saabsan natiijada oo Xeerka Waafaqsan ka hor Inta aanay Maxkamaddu Ku Dhawaaqin Go’aanka Rasmiga ah ee Ay Ku Ansixinayso Natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay isla maaanta u gudbiyeen Maxkamadda natiijooyinka hordhaca ah ee 20 Degmo Doorasho, taas oo Komishanka Doorashooyinka Heer Degmo hore ugu gudbiyeen Maxkamadaha gobolada dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net