Somaliland: Komishanka Doorashooyinka oo War ka soo saaray Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay in Doorashada madaxtooyada Somaliland ku qabsoomayso Xilliga loo muddeeyey oo ah dhammaadka sannadka dambe.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac waxa uu sheegay in Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera nidaamka Dimuqraadiyadda Somaliland ay ka qayb-qaadanayaan doorashada, in kasta oo uu xusay inaanay bixin doonin kharashka qabsoomidda doorashada.

“Doorashadu wakhtigeedii ayay ku qabsoomaysaa, anagu sida aanu illaa hadda ku shaqaynayno diyaar garowgeedii iyo hawsheedina waanu ku jirnaa, marka haddii Illaahay yidhaahdo waxa aanu rejaynaynaa in ay wakhtigeedii ku qabsoonto,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Riyo-raac oo maanta kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Advertisement

“Amarka Illaahay baa iska leh oo waynu og-nahay, bini’aadamku waxbuu ku fekeraa, marka annagu in ay wakhtigeedii ku dhacdo ayaanu diyaar u nahay. Daneeyayaasha caalamku waxa ay noo sheegeen in ay doorashada ka qayb qaadanayaan, balse aanay bixinayn lacagta doorashada,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac.

Xukuumadda Somaliland ayaa bixisay boqolkiiba 80 kharashkii ku baxay doorashadii isku-sidkanayd ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo bishii May ee sannadkan ka qaybsoontay dalka.

Advertisement