Somaliland: Kiisas Cusub oo Covid-19 oo maanta la shaaciyey iyo Qofkii saddexaad oo Cudurka u geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaacisay in 11 qof oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, taas oo tirada guud ee dadka laga helay xannuunka ka dhigaysa 23 Qof oo intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa kale oo uu sheegay inuu geeriyooday qofkii saddexaad ee gudaha Somaliland ugu dhinta Xannuuna Covid-19.

Dadka Cusub oo laga helay Cudurka ayaa kala jooga Gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal, sida ku xusan warbixinta lagu shaaciyey website-ka Somalilandcoronavirus. oo lagu baahiyo Xogta Covid-19 ee Somaliland.

Saddex Qof oo xannuunka hore looga helay ayaa xilligan xaaladdooda caafimaad wanaagsantahay oo ka bogsaday.

Warkan oo faahfaahsan ka Daawo muuqaalka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net