Somaliland: Khabiir Sharaxaad Ka Bixiyey Caqabadaha Maamul-daadejinta Dhaqaalaha iyo Xeerka Midaynta Cashuuraha

Hargeysa (SLpost)- Cabdiwahaab Garaad oo ah Khabiir Culuumta Dhaqaalaha ka Dhiga Jaamacadda Hargeisa ayaa sharaxaad ka bixinayay daraasad laga sameeyey caqabadaha maamul-daadejinta dhaqaalaha dalka ee (Fiscal Decentralization), wuxuuna si qota dheer u sharaxay xeerka midaynta cashuuraha ee Xeer L/23 iyo sida looga bixi karo caqabaddaha jira.

Cabdiwahaab Garaad oo daba socday cilmi-baadhis ay sameeyeen sannadkii 2020, oo ay ku oggaadeen dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira ee dhanka dhaqaalaha dawladda dhexe iyo degmooyinka dalka, ayaa tusaale usoo qaatay 23 degmo doorasho ee ka jira Somaliland, isagoo dhinaca kalena  xusay in ay jireen 19 degmo oo ah derejada (D), isla markaana hoos yimaada 23 degmo doorasho.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xukuumadihii u kala dambeeyey Somaliland oo ka lahaa ujeedooyin siyaasadeed ay magacaabeen degmooyin badan oo tiradoodu gaadhay 101 degmo.

Prof Cabdiwahaab Garaad waxa uu sheegay in lays weydiiyo dalku imisa degmo ayuu u baahanyahay, kaddibna la qaybsado shaqada, isagoo tusaale usoo qaatay dawladdaha hoose in lays weydiiyo maxay ka qabanayaana adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha, markaa kaddib sida uu xusay loo gudbo lacagta, isla markaana loo qoondeeyo lacagta ay qaadayaan dawladdaha hoose ee cashuurta ah, meelaha ay ka qaadanaayan iyo in dawladda dhexe usoo shubto wixii ay u qoondaysay, marka laga reebo wixii ay cashuur urrursadeen, balse wuxuu xusay in aannay Somaliland halkaa gaadhsiisnayn, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in lays weydiiyo degmooyinka 101, sidii xal loogu heli lahaa.

Sidoo kale, wuxuu tusaale usoo qaatay Magaaladda hargeysa, isagoo xusay in qiyaastii 60-70%, marka laga hadlayo nidaamkan dhaqaalihii dalka inta baddan dib ugu laabanayo Magaaladda Hargeysa, sidaa awgeed aannay degmiiyinkii kale wax macne ah u samaynayn oo aannay dani ugu jirin, sidaa awgeed loo baahanyay in arrimahan si fiican loo derso.

Dhinaca dakhliga Degmooyinka ayuu sheegay in aan markii hore dakhligooda si dhab ah loo ogayn, balse xilligan si toos ah looga warhayo, isagoo xusay in lacagta 10 % ee kastamka ay ka helaan markii hore laga yaabee in siyaasad loo isticmaali jiray, balse ay hadda ku jirto miisaaniyada gollaha deegaanku ansixiyay oo lagu qabanayo adeegyadii loo baahnaa.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo faahfaahinta Arrimaha uu ka hadlay Bare Cabdiwahaab Garaad

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net