Somaliland ka qayb-gashay Tartanka Kubadda Cagta Dalalka Afrika oo Noociisu cusub yahay

Nairobi (SLpost)- Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxa Sabtidii shalay ka bilaabmay tartanka Kubadda Cagta iyo Gacanta ee Dadka Maqalka Naafada ka ah ee Afrika oo noqonayaa kii u horreeyey noociisa ee ay ku tartamaan Dalalka qaaradda Afrika.

Tartanka oo Qayb ka ah isreebreebka waddamada Qaaradda Afrika ee ka Qayb-galay tartanka Ciyaaraha Adduunka ee dadka Maqalka naafada ka ah oo sannadka 2022-ka lagu qabanayo dalka Brazil, waxa ka qayb-galaya 16 Waddan oo Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto.

23 Waddan oo qaaradda Afrika ah ayaa markii hore isu-diiwaangeliyey ka-qayb-galka tartanka haseyeeshee sababo dhaqaale oo soo wejahay Guddiga Ciyaaraha Dhegoolayaasha Afrika iyo xaaladda xannuunka Covid-19, ayaa sababtay in tirada laga dhigo 16 waddan oo isu diiwaangeliyey inay tartanka ka qayb-galaan, sida uu sheegay guddoomiyaha Guddi dowladda Kenya u saartay Qaban-qaabada ciyaaraha Gordon Oluoch.

Tartanka oo socon doona 11-ka ilaa 25 September, waxa dalka magaalada Nairbi ee Kenya iska xaadiriyey ka hor intii aanu tartanku bilaabmin Sabtidii shalay ciyaartoyga  Dalalka Kenya, Mali, Senegal, Zanzibar, Ghana, Libya, Cameroon, Zambia, Nigeria, Somaliland, Masar, Gabon.

Waddamada Senegal iyo dalka tartanka Marti-galinaya ee Kenya, ayaa shalay lagu furay tartanka kubadda Cagta ee Dadka Maqalka Naafada ka ah,  waxaanay guushu raacday waddanka Senegal oo 3-1 kaga guulaystay Kenya.

Ciyaarta labaad ee tartanka waxa maanta isku-haleelay ciyaartoyga Dalalka Somaliland iyo Masar, waxaanay guushu raacday waddanka Masar oo 10-1 kaga badiyey ciyaartoyga Somaliland.

Xulalka ka qayb-qaadanaya tartanka ayaa loo qaybiyey Afar Group oo ka kooban 12 waddan oo ka mid ah 16 waddan oo inay tartanka ka qayb-galaan isu diiwaangeliyey, balse waxa ka maqan 4 waddan oo aanay ciyaartoygoodu tagin dalka Kenya.

Group A waxa kuwada jira dalalka Kenya, Mali, Senegal. Group B ayaa ka kooban Zanzibar, Ghana iyo Libya. Group C waxa ku jira Cameroun, Zambia iyo Nigeria halka Group D ka kooban yahay Somaliland, Egypt iyo Gabon.

Tartanka oo loo yaqaano Africa Deaflympics Ball Games, waxa kale oo qayb ka ah ciyaaraha Kubadda Koleyga oo isaga hor iman doonaan Xulalka waddamada isu-diiwaangeliyey inay ka qayb-qaataan.

Waxa tartanka maamulkiisa gacanta ku haya Guddi gaar ah loo aasaasay Ciyaaraha dadka Maqalka Naafada ka ah ee Qaradda Afrika kaas oo magaciisa la yidhaado Confederation of Africa Deaf Sports.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net