Somaliland iyo Taiwan oo heshiis hor leh kala saxeexday iyo Muhiimadda uu leeyahay

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka taageeraysa hirgelinta nidaamyo casri ah oo ay ku shaqeeyaan xogahana isku weydaarsadaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Hirgelinta Mashruucan ayaa lagu daah-furay heshiis ay maanta kala saxeexdeen Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo Sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (Taiwan ICDF), kaas oo lagu horumarinayo barnaamijka E-Government oo ay wasaaraddu hirgalintiisa gacanta ku hayso.

Barnaamijka E-Government ayaa ka mid ah qorshayaasha Wasaaradda ee 2019-2023, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii adeegyada dawladdu bixiso loogu fududeyn lahaa bulshada.

Warkan oo faahaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose