Somaliland iyo Pakistan oo Is-dhaafsaday Muwaadiniin Laba Waddan ku kala Xannibnaa

 

Hargeysa (SLpost)- Muwaadiniin u dhalatay dalka Pakistan, ayaa diyaarad khaas ah ka raacay Garoonka Diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa oo ay  diyaaraddu keentay muwaadiniin reer Somaliland ah.

100 ka mid ah Culimada Tabliiqiga oo muddo dhowr bilood ah ku xannibnaa gudaha Somaliland kaddib markii ay xukuumaddu xayiraad saartay duullimaadyada diyaaradaha sababo la xidhiidha cabsida laga qabo fiditaanka Caabuqa Coronavirus, ayaa diyaarad gaar ah oo dowladdoodu u soo dirtay ka raacay garoonka Hargeysa, waxaana daad-guraynta dadkan iska kaashaday xukuumadaha Somaliland iyo Pakistan.

Nooca Diyaaradda ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheega inay tallaabadii u horeysay is-af-garad dhexmaray laba dowladood ku heshiiyeen sidii ay isku dhaafsan lahaayeen muwaadiniin ku kala xanniban labada waddan.

Wasiir ku-xigeenka oo u warramay Saabtv, waxa uu sheega in diyaaraddan oo tirada laba jeer soo gaadhay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa todobaadyadii u dambeeyey isla markaana ay dalka Pakistan ka soo qaatay muwaadiniin Somaliland u dhashay oo tiradooda lagu sheegay 56 Qof oo ku go’doomay dalka Pakistan kaddib markii la xaddiday duullimaadyada diyaaradaha oo ka dhalatay Cabsida Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu baahay dunida.

Diyaaraddan, ayaa labada jeerba sii kala qaatay 100 Culimada Tabliiqiga oo asalka aasaaskoodu ka soo jeedo dalka Pakistan kuwaas oo hawlaha Baraarujinta Diinta Islaamka u joogay Somaliland oo xarun u ah Xarunta ugu ballaadhan Bariga Afrika ee ay ku kulmaan Jameecada Tabliiqiyiinta oo isaga kala yimaadda caalamka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net