Somaliland iyo Norway oo ka shiray Wada-hadallada Soomaaliya iyo dar-dargelintooda

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay dibloosiyiin ka socda safaaradda Norway ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ku-xigeenka Safiirka Norway ee Dalka Kenya Stian Christensen oo ay weheliso ergayga gaarka ah Norway u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Heidi Johansen oo maanta soo gaadhay dalka, waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay labada dhinac ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo sidii ay dowladda Norway door muhiim ah uga qaadan lahayd wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Advertisement

War-saxaafadeed kooban oo lagaga hadlay arrimaha lagu soo qaaday kulanka labada dhinac oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Stian Christensen oo uu wehelinayo ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen.

Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga horumarka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalinta uu dalka Norway ka qaadan karo, waxana ay Jamhuuriyadda Somaliland soo dhaweysay in Norway kaalin ka qaadato wada-hadallada iyo kala gurashada labada dal, maaddama waddanka Norway yahay dal dhexdhexaad ah, islamarkaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka.

Ugu dambayn, waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa iyo guul.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement