Somaliland iyo Maraykanka Oo Ka Wada-hadlay Xaaladda Laascaanood

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabiley safiir-ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo socdaal ku yimi Dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynaha Somaliland oo ay kulanka ku wehelinayaan wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Warfaafinta, waxa ay Safiirka Maraykanka ka wada-hadleen Xaaladda magaalada Laascaanood oo labadii toddobaad ee u dambeeyey dagaal ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaad huwan ah oo taageero ka helaya kooxo lagu sheegay inay ka tirsan yihiin Argagixisada gobolka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha Qaranku waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Advertisement

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.

Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa.”

“Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Dagaalka ka socda Laascaanood, ayaa bilaabmay horaantii Bishan kaddib markii Shir-dhaqameed magaalada uga socday Garaadada Gobollada Buuhoodle iyo Sool laga soo saaray Go’aamo ay ka mid yihiin in dagaal lagu qaado Ciidamada Qaranka ee ku sugan fadhiisimada milatari ee gobolka Sool, taas oo sababtay in malleeshiyaad ka amar-qaadanaya Garaaddaadu ay weerareen Ciidanka Qaranka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa bilowgii dagaalka sheegtay inay dagaalka Laascaanood ku qab-qabatay Shaqsiyaad ka tirsan Kooxaha Xag-jirka ah ee ka hawl-gala gobolka oo ka bar-bar dagaalamaya malleeshiyaadka ku sugan Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement