Somaliland iyo Maraykanka Oo Ka Wada-hadlay Heshiiska Ethiopia iyo Amniga Gobolka Geeska Afrika

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Safiirka Maraykanka iyo Dublomaasiyiin kale

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socda Dowladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo Ambassador Richard H. Riley oo maanta soo gaadhay dalka.

Sida lagu Sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, madaxweynaha Somaliland waxa uu goor-dhawayd kulan kula qaatay madaxtooyada Safiirka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaalida iyo dublomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo lagu kala magaaabo Geoffrey Parker iyo Obermueller Martin.

Madaxweynaha Somaliland oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Keyd, waxa uu weftiga Maraykanka kala hadlay arrimo khuseeya xidhiidhka labada waddan, nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu horayn xog-waran guud ka siiyey safiirka arrimaha doorashooyinka Somaliland ka qabsoomi doona dabayaaqada Sannadkan, Waxaanu Madaxweynuhu xusay inay juhdi badan gelinayaan doorashada, culays kasta oo ay ku tahay Somaliland, kuna qabanayaan wakhtigeeda, iyadoo aanay cidina gacan ku siin, taana ay isla ogolyihiin reer Somaliland iyo axsaabta in dalka doorasho ka dhacdo, xukuumaduna ay dhamaystirtay waxkasta oo suurto-gal ka dhigaya in dalku u dareero doorashooyin,” Sidaa waxa lagu Sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu safiirka faahfaahin ka siiyey nabadgelyada mandaqada geeska Afrika, waxaanu is-dultaagay heshiiska is-afrad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia, isagoo xusay in labada dal wixii ay ku heshiiyeen ay iyaga u gaartahay, isla markaana wax dhibaato ah aanay dalal jaarka iyo caalamkaba u lahayn, balse ay soo kordhin doonto iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dedaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka. Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey in Somaliland ay u leedahay waayo aragnimo buuxda wixii khilaafaad ah ee dhexdeeda ah, kuna dhamaysto gudeheeda xal nabadgelyo.”

Warku wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu Dowladda Maraykanka kala hadlay mowqifka maamulka Muqdisho ka qaatay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu madaxweynuhu weftiga u sheegay, “Doodda Muqdisho ee ah marka uu hirgalo heshiiska isfahan ee Somaliland iyo Ethiopia, waxa xoogaysanaysa Al-shabaab, kaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay, marka uu hirgalo, waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabadgelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dawladaha Afrika ee xornimada ka qaatay Isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii Isticmaarka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi safiirka Maraykanka, sida lagu Sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu Sheegay in Safiirka Maraykanku uu caddeeyey inay dawladdiisu diyaar u tahay sii xoojinta Xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka isla markaana ay bogaadinayaan, soona dhaweynayaan horumarka iyo dimuquraadiyada Somaliland ku tallaabsatay.