Somaliland iyo Kenya oo iska kaashanaya Tirakoobka iyo Tabobarrada Ururinta Xogta

Hargeysa (SLpost)- Dawladaha Somaliland iyo Kiiniya, ayaa iska kaashanaya tirakoobka bulshada iyo tababarada kor u qaadista aqoonta bulshada.

Madaxa iskaashiga horumarka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee Nairobi Mudane Ismaaciil Shirwac ayaa shalay kulan la qaatay Agaasimaha guud ee hay’adda xogta iyo tirakoobka qaranka Kenya (Kenya National Bureau of statistics) Mr Macdonald Obudho waxaanay masuuliyiintu ka wada hadleen sidii ay labada dal ee Kenya iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada xog ururinta, tirakoobka, tabobarada iyo aqoon korodhsiga.
.
Hay’adda xogta iyo tirakoobka qaranka ee dalka Kenya oo masuul uga ah xog-ururinta, qorshaynta xogta, Tirakoobka iyo tabobarada la xidhiidha dhinaca maamulka xogta ayaa muujisay sida ay u danaynayaan isla markaana diyaarka ugu yihiin inay xidhiidh wada shaqayneed oo dhaw la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Agaasime Macdonald Obudho faahfaahin ka siiyay Madaxa iskaashiga horumarka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee Nairobi, waaxyaha hay’adda, waxqabadka iyo mashaariicda ay hadda gacanta ku hayaan.

15-kii December 2020 ayay ahayd markii ay Labada Madaxweyne ee Kenya iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis kor u qaadaya xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka is-kaashi ee labada dal, waxaana ay labada masuul faaqideen sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada aqoon-korodhsiga iyo tabobarada taasoo ka mid ahayd qodobada heshiiskii ay saxeexeen labada madaxweyne.