Somaliland iyo Itoobiya oo Go’aamo Ka soo Saaray Isu-socodka Ganacsiga labada Waddan

Hargeysa (SLpost)- Somaliland iyo dawlad-degaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa iska kaashanaya wax-ka-qabashada dhibaatooyinka Dhaqaale ee soo waajaha maadaama oo xidhiidh dhaqaale oo qoto-dheeri u dhexeeyo labada waddan.

Masuuliyiin ka tirsan labada dowladood, ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey kulan laba geesood ah ku faaqiday saamaynta sicir-bararka lacagaha iyo maceeshadda.

Kulanka oo socday muddo saddex maalmood ah, waxa ay masuuliyiinta labada dowladood, ka wada-hadleen sidii wax looga qaban lahaa sicir-barar ka jira degmada Tog-wajaale oo uu saameeyay dhaqaalaha labada dhinac, qiima dhaca ku yimi lacagta Bir-ta ee Itoobiya iyo saamaynta ka timaadda lacagaha sida sharci-darrada ah isaga gudba xuduudaha labada waddan.

Kulanka labada dowladood ka yeesheen arrimahan, ayaa gunaanadkiisii laga soo saaray qodobbo gundhig ku noqonaya xakamaynta sicir-bararka iyo ilaalinta dhaqaalaha labada waddan, gaar ahaan degmada Tog-wajaale.

Waxa go’aanka ka soo baxay labada dowladood lagu go’aamiyey:-

  • In la nidaamiyo suuqyada lacagaha iyo maaliyadda ee degmadda Tog-Wajaale
  • In si dhakhso ah wax looga qabto Sicir-bararka uu keenay Sarrif bararka ku yimid
    lacagta Bir-ta ah.
  • In si buuxda looga wada shaqeeyo xasilinta dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo lacageed ee labada dhinac.
  • In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shakhsiyaadka iyo shirkadaha ku lugta leh xasillooni darrada suuqa sarrifka ee Degmada Tog-wajaale.

Go’aamada ka soo baxay labada dowladood ee Somaliland iyo DDSI, waxa lagu sheegay in la abuuray guddi farsamo oo ka shaqayn doonta Degganaanshiyaha, adkaynta iyo dabagalka suuqyada ganacsiga, lacagaha iyo maaliyadda (Trade and Financial Markets).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net