Somaliland iyo Ethiopia oo Ka Wada-hadlay Iskaashi Military

Addis Ababa (SLpost)- Wefti Ka Kooban Saraakiil oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa lagu soo dhaweeyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Ethiopia.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani iyo Saraakiil Sare-sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo xalay gaadhay Ethiopia, waxa qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Ethiopia Sarreeye Guud Birhanu Julana iyo saraakiil kale.

War ka soo baxay Dowladda Ethiopia, ayaa lagu sheegay in labada Taliye ka wada-hadleen iskaashiga dhinacyada Milatariga ee labada waddan.

“Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Field Marshal Birhanu Julana iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani waxay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca ciidamada,” sidaas ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Dowladda Ethiopia.

Warku wuxuu intaas ku daray inay Saraakiisha ugu sarreysa Milatariga Somaliland iyo Ethiopia kulankooda kaga wada-hadleen Heshiiskii is-afgarad ee horaantii bishan Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed.

Somalilandpost Media Inc.