SOMALILAND: ISKORIS SODDON JIRSADAY (30+30 = 60-30 = ?)

Somaliland Map

Soddonguuro; soddon hore dib uga dhalatay. Soddonguuro; soddon hore beeninaysa. Soddonguuro; saaqidnimo danbe iyo soobirnimo diiddan. Soddonguuro; nabadi waa sed e” sibraarkeeda haysata, samana aan xoorin. Soddonguuro; Rabbi taqaan, rag taqaan, run taqaan. Soddonguuro; amran oo bogcad barakaysan gu’geedu ku buuxsamay. Soddonguuro; garnaqsi goobaysa, gaabsina diiddan. Soddonguuro; balaysin u ah Soomaali oosheed siday eegga ku suubbantay. Soddonguuro; saameeshay lixdan-guuro dhib iyo dheef u kala saanyan. Soddonguuro; ceelalyo u ah dhammays buuxa. Soddonguuro; ku geeddiya buuxsin hal la’ (5/9), marna buuxa (6/10), haday dhaaftana dheeraad sadexley ahi ood-rogo u yahay.

Waxay ahayd, da’ baaqatay oo 30 jirkeedii dib u dhalatay. Abuurta Eebbe, qofku mar buu dhashaa, marna wuu dhintaa, laakiin danta noloshiisu waa nasiib ku lammaan oo hadduu garto gargaarta, hadduu gefona gawdhisa, hadba siduu ka yeelo ka yeesha. Taasaa dib u soo laabatay, iyadoo ku joogta qiime ka wayn kii dhalashadeedii hore. Halkay ka timi iyo soddon jirkeeda, maanta halkay taagantay kala midab, kala muuq iyo kala muruq weeye. Waa mucjiso iskorisa oo soddonkaa sanno casharo badan laga korodhsaday. Waa hal-xidhaale, xujadiisu abtirsanayso, kalsooni qabto, jawaab buuxdana dunida inteeda kale weli ka dhawraysa. Waa dhaadasho 30 sanno iyo 30 geeddi tirsanaysa, calankuna waa astaan u taagan buruudka ay da’daa ku soo gaadhay, socodkana ku sii wadi doonto.

Somaliland: tirsiimadeeda iyo taxa jiritaankeeda 30 jirsaday aan wax ka xusno.  30 sanno iyo dhisme dawlad casriya oo buuxa (Calan, astaan, baasaboor, ciidan….). Soddon sanno iyo afti dastuur. Soddon sanno iyo hanaan doorasho oo xor ah. Soddon sanno iyo shan Madaxweyne oo dadku doortay. Soddon sanno iyo 7 doorasho oo toos ah (Mid madaxweyne, wakiilo iyo deegaan). Soddon sanno iyo suuq ganacsi oo xor ah. Soddon sanno iyo dhisme waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah. Soddon iyo adeeg caafimaad oo tayo leh. Soddon sanno iyo dhisme ciidan cudud leh. Soddon sanno iyo iskeed. Soddon sanno iyo dayn la’aan.

Advertisement

Intaa iyo in kale oo badan ayaa qayb ka ah, waxyaabaha Somaliland soddonkaa sannadood u qabsoomay. In kale oo aynu karaynay oo baylihi inaka baajisayna waa jiraan, dhaliishana mar walba aadamaa loo yahay. Laakiin waxa qabsoomay ee aynu haynaa ka wayn.

Soddonkaa waxa barbar socday; soddon sanno iyo go’doomin caalamiya. Soddon sanno iyo cunaqabatayn caalamiya. Soddon sanno iyo duudsi xuquuqeed oo caalamiya. Soddon sanno iyo dafiraad soo gudhaysa.

Soddonguuro wacan, doorashooyin iyo mustaqbal fiican.

Farriinta 18 May ee Commissioner Muuse Jaambiir

Follow us On