Somaliland: Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo ku gacan-saydhay Baaq uu Madaxweyne Biixi u jeediyey

 

Hargeysa (SLpost)- Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa diiday inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland, ka dib markii Maanta uu Madaxweynuhu u soo jeediyey inay isugu yimaaddaan kulan uu sheegay in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa Hoggaamiyeyaasha labada xisbi Mucaarad ugu baaqay inay isugu yimaaddaan Shir Deg-deg ah, kaasi oo lagaga wada-hadlayo Khilaafka siyaasiga ah ee jira oo uu sheegay inuu sabab u yahay dib-u-dhaca doorashada iyo Arrimaha laysku hayo.

Haseyeeshee wax yar kaddib hadalka madaxweynaha, waxa si wada-jir ah magaalada Hargeysa shir-jaraa’id ugu qabtay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, waxaanay sheegay inaanay wax wada-hadal la yeelan doonin Madaxweynaha isla markaana ay ka war-sugayaan Guddi Dhex-dhexaadin ah oo labada dhinac u dhaxaysa.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo faahfaahsan