Somaliland: Guddiga Qaran ee Taakuleynta Shacabka Beledweyne oo Somalia ula dhoofay $600,000 oo Deeq ah

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dhoofay Guddi ka kooban Culimo, ganacsato iyo Wax-garad oo dowladda Somaliland u xil-saartay taakuleynta Shacabka magaalada Beledweyne ee Soomaaliya oo waxyeello ka soo gaadhay Fatahaadda Webiga Shabbeele.

Guddiga ayaa loo xil-saaray inay shacabka iyo bulshada qaybaheeda ka soo ururiyaan taakuleynta Shacabka reer Beledweyne oo ay muddo iyo dheeraad ah ku gudo-jireen, ayaa isla maanta u dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo shacabka, ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland oo ay metelayaan ka sida Adduun lacageed oo dhan $600,000 (Lix Boqol oo Kun oo Dollar).

Guddigan oo uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah culimadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid, ayaa saxaafadda la hadlay ka hor intii aanay ka dhoofin gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee Caasimadda Hargeysa.

Guddigu waxa ay Shacabka, ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland oo madaxweynuhu ugu horreeyo uga mahad-celiyeen sida hagar-la’aanta ah ee ay uga qayb-qaateen ururinta taakulada lacageed ee loogu gurmanayo Shacabka Soomaaliyeed ee dhaqan magaalada Beledweyne.

Muuqaallka Hoose kaga Bogo Hadalka Guddiga iyo Masuuliyiinta Dowladda