Somaliland: Guddi Wasiiro ah oo Kulan la Yeeshay Haldoorka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddi Wasiirro ah oo Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray sii-amba-qaadista wada-hadallada u socda xukuumadda iyo mucaaradka, ayaa maanta kulan la qaatay Aqoonyahanka, Waxgaradka, Ganacsatada iyo haldoorka degaanka Bariga Hargeysa.

Guddiga oo madaxweyne magacaabay ka hor intii aanu dalka ka dhicin mudaharaadkii ay xisbiyada mucaaradku 11-kii bishan ka dhigeen dalka, waxa guddoomiye u ah wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, waxaana xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr.Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad (Saajin).

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay saamayntii ka dhalatay Mudaharaadyadii ka dhacay dalka, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Shacabka iyo ciidammada ammaanka isugu jira.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey, arrimaha lagaga wada-hadlay iyo Jewigii kulanku u qaboomay, waxaana lagu yidhi, “Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si qalbi furan u qaabilay Haldoorka degaanka Bariga Hargeysa, iyaga oo Wasiiradu si fiican u dhegaystey talooyinkii ay soo jeediyeen Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa, kuwaasoo isu xilqaamay in ay dhexdhexaadiyaan, ma door shariif ah ka qaataan Khilaafka taagan, iyaga oo u wajahaya sida ugu wanaagsan.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa, kuwaasoo ah guddi ka shaqaynaysa isu soo dhowaynta labada dhinac, iyada oo laga duulayo adkaynta nabadgelyada iyo isu soo dhowaynta bulshada.

Guddida Wasiirada ah, ayaa la qaatay Haldoorkan isugu jira Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa dhammaan arimihii ay miiska keeneen, kuwaasoo ay ka mid tahay isu soo dhowaynta iyo ka wada shaqaynta xalinta khilaafka taagan, adkaynta nabadgelyada iyo ka wada shaqaynta midnimada bulshada.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net