Somaliland: Duufaan Xooggan oo ku Wajahan iyo Shacabka Deegaamada ay ku beegan tahay oo digniin loo jeediyey

 

Hargeysa (SLpost)- Duufaan lagu magacaabo GATI oo ka soo kacday Woqooyiga Badweynta India, ayaa ku soo wejahan Deegaanno ka mid ah Somaliland, gaar ahaan deegaamada xeebaha marka laga reebo gobolka Badhan oo ay ka beegan tahay deegaamada Koonfurta.

Duufaanta ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhufatay Deegaamada Bariga ee Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, halkaas oo roobab dabaylo wata oo ka da’day ay khasaare kala duwan ka geysteen.

Sida la saadaaliyey, Duufaanta oo lagu tilmaamay tii ugu awoodda badnayd ee sannadkan ka dhacda Woqooyiga Badweynta Hindiya, gaar ahaan Badda Carabta, ayaa la filayaa inay deegaannada Somaliland soo gaadho maalinta Axadda gelinkeeda hore ku beegmaysa deegaamo ka tirsan gobollada Badhan iyo Sanaag ee Bariga Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka Dabiiciga ah Faysal Sheekh oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa ka digay Duufaanta ku wejahan Somaliland, isagoo xusay inay saamayn xooggan ku yeelan doonto deegaamada Xeebaha.

 

Halkan kala Saco Isbeddelka Jihada ay Duufaanta GATI u socoto.

Gati Storm Tracker

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net