Somaliland: Dowladda oo ka farxisay Arday Is-xilqaamay

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Barnaamijka Shaqo-Qaran ee xukuumadda Somaliland, ayaa kafaalo qaaday Waxbarashada arday Dugsiga sare dhigta oo isu-xil-qaamay kala-hagista gaadiidka magaalada Hargeysa xilli ay waddooyinku saxmad yihiin.

Ardaygan oo dhigta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin, ayaa hawshan uu isku xil-qaamay sameeya wakhtiga uu dugsiga ka soo rawaxo oo jidadka caasimadda saxmad badani ka jirto, waxaana hawsha uu isu-xilmaamay lagu baraarugay kaddib markii muuqaal laga duubay lagu baahiyey baraha bulshada.

Advertisement

Agaasimaha Barnaamijka Shaqo-Qaran Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa Ardaydan kula kulmay mid ka mid ah jidadka Hargeysa xilli uu ku gudo-jiro hawsha uu isu-xil-qaamay, waxaanu halkaas uga ballan-qaaday in xafiiskiisu bixinayo Kharashka Fee-ga bisha laba sannad-dugsiyeed oo waxbarashada Dugsiyada Sare uga hadhsan.

Waxa kale oo masuulkani u ballan-qaaday Ardayga inuu wasaaradda Waxbarasada u weydiinayo Waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah.

Muuqaalka Hoose kaga Sheekada Dhex-martay Ardayga iyo Agaasimaha

Advertisement