Somaliland: Doorashadii Faratoon iyo Dareenkii Lagu Qaabilay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Kalfadhigii Lixaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay ka furmay Hargeysa, waxa cod aqlabiyad ah Guddoomiyaha Golahaas loogu doortay Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha.

Kursiga Guddoomiyaha Golaha wakiillada, waxa ku tartamay Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo helay 46 Cod iyo Mudane Maxamed-Khadar Daahir oo helay 35 Cod.

Guddoomiyaha Cusub ayaa laga soo doortay Gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood, halka murashaxa la tartamayey laga soo doortay gobolka Maroodijeex ee caasimadda Hargeysa.

Advertisement

Madaxda Qaranka iyo Bulshada Somaliland, ayaa aaminsan in Guddoomiye Faratoon wax weyn ka qaban karo xaaladda dagaal ee ka taagan gobolka Sool isla markaana uu isu soo dhaweyn karo shacabka deegaanka iyo xukuumadda Somaliland.

Jagada Guddoomiyaha ayaa bannaanaatay kaddib markii uu is-casilay guddoomiyihii hore ee Golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid noqday Kooxaha Huwanta ah ee Ciidanka Qaranka kula dagaalamaya magaalada Laascaanood.

Advertisement