Somaliland: Dhalinyaro Aragga Naafo ka ah oo Socdaal ku maraya Gobollada Galbeedka Dalka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Dhalinyaro Aragga Naafo ka ah, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka bilaabay safar ay ku marayaan Gobollada Galbeed ee dalka.

Dhalinyarada Aragga Naafada ah oo isugu jira wiilal iyo Gabdho ka kooban 22 xubnood, ayaa isla maanta lagu soo dhaweeyey degmada Gabiley, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Safarka Dhalinyarada oo loo bixiyay ‘Rejo-gelinta dadka aragga Naafada ka ah”, waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland, gaar ahaan xafiiska Qurbejoogta.

Advertisement

Fihiima Maxamed Aar iyo Canab Maxamed Cali (Canab Riyo-raac) oo ka mid ah hablaha Qurba-joogta Somaliland ee dalka Maraykanka, ayaa wasaaradda arrimaha dibada Somaliland uga mahadeceliyay siday u dhiirigelinayo dadka araga naafada ka ah iyo wada shaqaynta dhaw ee ay la leedahay qurba-joogta reer Somaliland ee ku nool wadamada dibada.

Qaar ka mida xubnaha Aragga Naafada ka ah ee gobolada dalka qaarkood socdaalka dhiiregelinta ku maraya ayaa u mahadceliyay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland iyo qurba joogta Somaliland ee socdaalkaas sida wada jirka ah iskaga kaashaday, waxaanay xuseen in tallaabadaasi tahay mid dhiirigelin doonta dadka araga naafada ka ah.

Ugu dambayn Agaasimaha waaxda xidhiidhka qurba joogta Somaliland Xasan Af-gaab ayaa wuxuu u mahadceliyay qaar ka mida hablaha qurba-joogta ee Somaliland, kuwaas oo kaalin ku lahaa sidii uu u qabsoomi lahaa socdaalkaas ay xubnahaas araga naafada ka ahi ku marayaan qaar ka mida gobolda dalka.

Advertisement