Somaliland: Dhaawacyo loo geystay Gabadh Weriye ah oo shaqo-maalmeed ku jirta iyo Ururka SOLJA oo ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Sarkaal ka tirsan Ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee magaalada Hargeysa, ayaa dhaawacyo u geystay gabadh weriye ah oo ka hawl-gasha warbaahinta Somaliland.

Naciima Cabdiraxmaan oo ka hawl-gasha telefishanka SomNews, ayaa dhaawacyadu soo gaadheen xilli ay muuqaal ka duubaysay shil-baabuur oo ka dhacay xaafadda Jigjiga yar ee Galbeedka Hargeysa.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ah guddoomiyaha Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee Ururka SOLJA, ayaa ka hadlay dhacdadan, kaddib markii ay guddi ahaan xog-warran la yeesheen Gabadha Suxufiyadda ah iyo dad goob-joogeyaal ah, waxaanu ka warbixiyey qaabkii ay ku timi dhacdada uu sarkaalka ciidanka Booliska ka tirsani dhaawacyada ugu geysay Naciima.

Warkan oo faahaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose