“ Somaliland Dalkii Aan Dadka Ka Dhexayn ..” Nuxurka Dood London Lagu Qabtay

Hargeysa(SLpost)– Xarun dhawaan laga yagleelay magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa dood cilmiyeedeedii u horaysay oo ku saabsan halista qabyaaladda qabatay. Xaruntan oo magaceedu yahay “Xarunta cilmi baadhista iyo tayaynta qaranka Somaliland,” ayaa qabatay dood mawduuceedu yahay “Godkii qaranimada iyo umadnimada Somaliland waxa galay qabiil iyo qabyaalad, waa maxay sababtu? Maxaase xalkeedu noqon doonaa?.

Doodan oo lagu qabtay guriga loo yaqaan Oxford House  waxaana mawduuceeda soo darsay Aqoon yahan Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne, waxaana la gorfaynayay digtoor ciise Xasan Cali, Xildhibaan Mahdi Sugaal, Saki Dool iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo soo bandhigay aragtiyahooda qabyaaladda.

Aragtiyaha Aqoon yahanka ka qayb galay dood Cilmiyeedka

Aqoon yahan Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne ayaa ugu horayn ka hadlay aragtidiisa qabyaaladda “ Somaliland Dalkii aan dadka ka dhexayn ee cid waliba meeshay joogto sheeganaysay. Haddii maanta la is yidhaa meel macdan ha laga qodo ama wax ha laga sameeyo, xataa haddii la is yidhaa meel biyo ha laga soo saaro reer baa sheeganaya, oo aanay dawladdiina dhaqdhaqaaqa samaynayn. Dawladda waxaa mar walba diciifinaya maaha dadka meesha jooga oo diciifiina ee waxa diciifinayaa waa aqoontii qabiilka oo aad u xoogaysatay, xataa dawladda dhexdeeda ayay ka xoogaysatay.Waxa kale oo ay leedahay qabyaaladdu inaanu sharciga dawladdu shaqayn. Sababta aanu u shaqaynayn waxa weeye cidba uma joogsanayso. Qofka wacyigiisa, dareenkiisa iyo caqligiisaba waxaa ku jirta reer hebel baad tahay.”

Sheekh Dalmar, ayaa isna ku taliyay in xalka qabyaaladdu noqonayo inaan qofna qof ka kale u quudhin waxaanu jeclayn in lagu sameeyo “Waxa adigu aad diidayso, dee dadka kalena ha u ogolaanin oo ha ku samaynin, waa intaas uun. Qof waliba, yacnii Illaahay baa ina eegaya, waanaynu ognahay waxan aynu wadnaa inaanay ina anfacayn”.

“Ciqaabta qabiilku waa mid guud. Qof baa dambi galay, reerka oo dhan baa galay ayaa la odhanayaa, xataa haddii wasiirku khalad sameeyo waxaa la odhanayaa reer Hebelow naga qabta. Fadlan na taageera si aan qaran u gaadhno, in qaran la gaadhayo waan aaminsanahay oo kama niyad jabayno.

“Qabyaaladda magaalada ka jirtaa waa mid is bedbelaysa. Qabyaaladda magaalada ka jirtaa inay qaran dumis tahay oo qaranka duminayso iyada taas shaki kama jiro.. Boqol qof oo reer Somaliland ah oo halkan kala baxa iyagoo taagan tayaynta qaranka Somaliland.”

Doodan ayaa aqoon yahanka agaasimay bulshada u soo bandhigi doonaan waxa ka soo baxa iyo sida ay u arkaan xalka qabyaaladda mudooyinkii u dambeeyay laga dareemayay Somaliland.

Aqoon yahankan qurbaha kaga dhiidhiyay fidista iyo dhibka qabyaaladda ayaa ku soo beegmaya xilli dalka gudihiisa laga dareemayo dad indheer garad ah oo ku hawlan sidii bulshadu uga waantoobi lahayd adeegsiga qabyaalada, kuwaasi oo ay hogaaminayaan Cabdikariim Axmed Mooge oo iska casilay agaasimaha wasaaradda qorshaynta iyo Barkhad Jaamac Batuun oo iska casilay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha beelaha laga tirada badan yahay.