SOMALILAND: Dagaalka Diiwaangelinta ee Xukuumadda iyo Mucaaradka, Dareenka Dhinacyada iyo Dayaanka Maalmaha Socda

Didmada Mucaaridka ee Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah, Doodda Xukuumadda iyo Daliilka Garyaqaanka Guud

Hargeysa (SLpost)- Dagaal Siyaasadeed oo u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda talada haysa ee Somaliland iyo Xisbigeeda oo isku dhinac ah, kaasoo wakhtigan salka ku haya hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ah, gaar ahaan Xeerka diiwaangelinta Muwaaddiniinta oo Xukuumaddu soo curisay, isla markaana Golaha Wakiillada u soo gudbisay, kaasoo ay Xisbiyadu ku doodayaan in qodobbo dabar iyo dib-u-dhac ku ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashada.

kkjMasuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa walaac xooggan ka muujiyey dibandaabyey iyo dabar ay sheegeen inay Xukuumaddu la damacsan tahay dib u dhac iyo habsan ku yimaadda diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay badhtamaha sannadka soo socda qabsoomaan, gaar ahaan ta Madaxtooyada oo Mucaaridku aad u danaynayo. Halka ay Xukuumadduna ku doodayso inaanay wax dhibaato ah oo dib-u-dhigaya doorashada iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha toona wadin, labada diiwaan-gelinoodna aanay saamayn isku yeelan doonin.

Xisbiga WADDANI:

“Waxa la yaab noqday in Madaxweynuhu 19-kii bishii 8-aad ee 2014 Golaha Wakiillada u soo gudbiyey Xeer magac cusub wata oo la yidhaahdo ‘Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Cod-bixiyeyaasha’ oo wata lambarka Xeerkii hore, Xukuumadda Somaliland-na hore xeer-dejinta ugumay soo gudbin Xeerka diiwaangelinta Muwaaddiniinta. Markaa, Xeer hore oo dhaqangal ah oo arrintmaas ka yaallay ma jirin, Xeer aan jirinna kaabis laguma samayn karo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Arbacadii hadal ka jeediyey Munaasibad Xisbigiisu ku soo dhaweeyey Taageerayaal cusub oo ku biiray.

Waxaanu intaas ku sii daray Cabdiraxmaan-Cirro oo uu yidhi; “Arrintaasna markii ay Axsaabta Qaranku ka waraysteen Komishanka Doorashooyinka, waxa ay u caddeeyeen in Xeerka Madaxweynuhu Golaha keenay aanay ahayn kii ay iyagu u gudbiyeen iyo in haddii sida uu Xeerku haatan yahay haddii lagu ansixiyo inaanay diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu qabsoomi karin. Waxaana ay taasi ku tahay caqabad Qasboomidda Diiwaangelinta codbixiya-yaasha iyo qabsooomidda Doorashada.”

Xisbiga UCID:

“Arrinta diiwaangelinta oo sida aad ogtihiin dawladdu waxay shaacisay in 200 oo goobood laga qabto diwaangelintii Madaniga ahayd, haddii aynu dib ugu noqono diiwaangelintii ugu danbaysay in ku dhaw 2 kun oo goobood, ayaa dalka laga sameeyey, tusaale haddii aynu u soo qaadanno gobollada Selel iyo Awdal waxay Xukuumaddu tidhi; ‘25 goobood ayaa loo qoondeeyey, Magaalada Boorama kelideed ayaa dhexdeeda la iska diiwaangelinayey wakhtigaasi in ka badan 100 goobood, immika Sallaxley oo dhan baa 5 goobood loo qoondeeyey. Midda kale inay wax khaldan yihiin waxaad ku garataa illaa immika dad oo Wax-garadkii dadka ah oo Beelaha Somaliland wada dega ka mid ah ayaa qaaddacay diiwaangelintan Madaniga ah, Annagu Xisbi ahaan kama soo horjeedno diiwaangelinta Madaniga ah oo waannu taageesannahay.” Sidaa waxa yidhi Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen.

Waxaanu Musharrax Jamaal oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray; “Laakiin, waxa yaab ah in Xukuumaddii fadhiday afarta sano iyo dheeraadku in wakhtigeedii markii ugu danbaysay si ay u khalkhaliso diiwaangelinta Madaniga ah ay ku labto (kabto ama ladho) diiwaangelintii Cod-bixiyeyaasha oo Xeerkii baa durtaba la isku qasay oo la kala furfurayaa, waxaannu Xukuumadda ku leenahay waar waxani idinka socon maayo oo danta dalkeenna iyo dadkeennu kuma jirayaane waddanka khalkhal ha gelinnina. Innagu waxaynu u baahannahay inaynu doorashada wakhtigeedii ku qabanno oo aynu caalamka tusno. Laakiin, sababaha keenay diiwaangelintan ee deg-degga ka dhigay annagu garan mayno.” Waxaanu ku taliyey Jamaal in diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha la soo horreysiiyo, isla markaana ta Muwaaddiniinta la dambaysiiyo.

Doodda Xukuumadda:

“Waxaan la yaabbanay Mucaaradka Somaliland oo yidhi; ‘yaan la diiwaangelin dadka oo lasiin kaadhka dhalashada Somaliland, iyada oo sharciguna dhigayo haddii aanu qofku Somaliland u dhalan, hadda waa marka aynu ka hadlayo Somaliland ee aan laga hadlayn Soomaaliya, waxa sharci ah qofka codaynaya doorashada inuu haysto kaadhkii jinsiyadda dhalashada Somaliland. Soomaaliya waxa ka socota diiwaangelintii dhalashada oo koodii hore loo cusboonaysiinayo, waxaana ay Qaramada Midoobay baaq ugu direen Soomaaliya inaan Muwaaddiniinta Somaliland laga caawin in la diiwaangeliyo, iyaga oo qaata mooyaane dhalashada Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Wasiir Waran-cadde oo su’aalo ka weydiinaya arrimaha uu ka hadlay Xisbiyada Mucaaridka ah, waxa uu yidhi; “Waxaan markaas Saaxiibbadayda Mucaaradka ah weydiinayaa markaad leedihiin yaan la diiwaangelin qofka Muwaaddinka ah, ee hadda wax weliba diyaar u yihii, miyaanay ahayn Dayax iyo Dugsigu isku toosanaa, Miyaanay Raggan Mucaaradka ahayn Kuwa Shacabka Somaliland ka doonaya codka? Maxay ugu diiddan yihiin diiwaangelinta Shacabka? Maxaa isku kiin ekeysiiyay Ragga Xamar jooga iyo hadalkiinna Mucaaradkoow?.”

Daliilka Garyaqaanka Guud ee Dawladda

Garyaqaanka Dawladda Garyaqaanka guud ee dawladda Ibraahin Iidle Saleebaan, ayaa mar uu xalay Wargeyska Himilo Khadka taleefanka wax kaga weydiiyey bal Sharci ahaan waxa khaldan ee keenay khilaafkan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumaddu ku kala qaybsan yihiin aragtida Xeerka diiwaangelinta ee Xukuumaddu u soo gudbisay dhawaan Golaha Wakiillada. Waxaanu Garyaqaanka guud sheegay in Sharci cusub oo la curiyey aanu jirin, isla markaana Xeerka loo gudbiyey Wakiillada yahay wax ka beddel iyo Kaabis lagu sameeyey Xeerkii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo aqoonsiga muwaaddinka ee hore u jiray.

“Arrinta is-weydiinta lihi waxa weeye Xeerkani horta ma jiray mise ma jirin? Wuu jiray oo Xeerka hore waxa uu ahaa Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxa lagu soo daray kalmadda Muwaaddinnimada kaabis bay ku soo gashay, wax ka beddelka iyo kaabistu waa maxay? Waxa weeye wax jiray wax baa laga beddeli karaa, wax ka dhinnaana waa la kaabi karaa, kelmaddanna kaabis bay ku soo gashay, sababta ay ugu soo gashayna waxay tahay; Xeerkaa hore asal ahaan wuxu ka warramayey sugidda muwaaddinnimada iyo bixinta warqadda codaynta, isagoo ka warramaya labadaa mawduuc, ayuu haddana sitay magaca mawduuc keliya oo ah Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, halka ay ahayd in la siiyo magaca ah Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Cod-bixiyeyaasha oo waxa laga tegay markaas hore Muwaaddiniinta. Markaa, kelmaddani waa kaabis oo waxyaabaha ka dhinnaa ee la kaabay bay ka mid tahay, markaa lama odhan karo Xeerkami mabuu jirin, laakiin wuu jiray ee waa la kaabay.”

Mar Wargeyska Himilo weydiiyey Garyaqaanka guud ee dawladda Ibraahin Iidle Saleebaan, in Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu sheegay in Xeerkani yahay mid ay Xukuumaddu u soo magac-bixisay oo aan jirin, kii Guddiga doorashadu u soo gudbiyeyna ahayn, halka Xisbiga UCID-na ku doodayo in Xeerkani wax qasayo oo uu ku jiro qodob dhigaya in aan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha la qaban karin illaa diiwaangelinta madaniga ah oo wakhti badan qaadan kartaa dhammaato, taasina ay tahay qorshe ay Xukuumaddu ku riixayso doorashada iyo sida arrimahan la isu waafajinayo sharci ahaan.

Waxaanu Garyaqaanka guud oo ka jawaabaya su’aalahaas is-barkan uu yidhi; “Horta arrinta Siyaasaddu waa halkeeda, laakiin anigu waxaan ka hadlayaa Xeerka, Xukuumaddu iyadaa shaxaynaysa siyaasaddii guud, waxaana Xeerka Xukuumadda oo Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada loo soo mariyey in ay eegaan oo ay waxna ku daraan, waxna ka gaabin karaan oo ay ka go’aan gaadhaan waxa dalka sharci u noqon kara ee ay iyagu u arkaan, ka dibna Golaha Wakiillada u soo gudbiyaan, haddii ay Xukuumaddu iyagu u arkaan inay sugan tahay iyaguu (Wakiillada) horyaallaa. Immikana Sharciba maaha ee waa Hindise Sharci ama Sharci Qabyo-qoraal ah oo loogu talo-galay in laga doodi karo oo waxna laga dhimi karo waxna lagu dari karo, iyaguu hor-yaallaa, iyagaa go’aanka leh, marku Golaha Sharci-dejinta ka yimaaddo ee uu Guurtida soo maro ee uu Madaxweynaha soo gaadho ee uu dhaqan-geliyo ayuu Xeer Sharci ah yahay, laakiin maanta sharciba maaha, waxanina waa hannaan sharci ah oo loogu talo-galay in la isla hubiyo.”

“Tusaale ahaan, markay Xukuumaddu soo samayso ee ay Golaha Wakiillada u gudibiso ee ay ka doodaan ee ay wax ku daraan ama ka dhimaan ama saxaan, Guurtiduna sidoo kale, ka dibna Madaxweynaha uu u soo gudbo ee uu eego ee uu saxeexo dhaqan-gelkiisa ayuu sharci yahay, waxa intaas oo jaranjar ah sharci ahaan loo marinayaana waa isla eegis, isla hubin iyo in Golobe Golaha kale ka sii hubiyo illeen waxan dal iyo dad baa la rabaa in lagu dhaqee. Markaa, maanta waxaan cidina u cabannin ma sharciyoobin ee go’aanka Golaha ayaa leh (sharci-dejinta).” Sidaa ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee Dawladda Ibraahin Iidle.

Dayaanka Maalmaha Soo socda?

Guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xeerkan qabyo-qoraalka ah ee Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha ee ay Xukuumaddu Kaabista ku soo samaysay, ayaa la filayaa sida ay Himilo u xaqiijiyeen xubno Guddiga ka tirsani inay maalmaha soo socda doodo ka qabtaan ay ka qayb-qaadan doonaan Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga doorashada, Xukuumadda iyo Guddiyada Baarlamaanka, ka dibna ay u gudbin doonaan Golaha oo ay Mudanayaasha Wakiilladu kaga doodi doonaan, ka dibna ay ansixin doonaan haddii ay sidiisa ugu qancaan iyo haddii ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyaan-ba.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guddiga arrimaah gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo Wargeyska Himilo xalay khadka taleefanka kula xidhiidhay si aannu arrinta Xeerkaas qoraalka ah wax uga weydiinno, ayaa ka gaabsaday inaanu Xeerkaas wax war ah ka bixinaynin maaddaama oo ay iyagu Guddi ahaan gacanta ku hayaan, waxaanu si kooban ugu gaabsaday oo u yidhi; “Xeerkani haddii uu xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahay-ba Guddigayaga arrimaha gudaha ayaa gacanta ku haya, wax aannu gacanta ku haynana ma rabo inaan wax war ah ka bixiyo, sida annagu aannu nidhaahno ee Goluhu yidhaado ayuu noqonayaa, immikana kama warramay.”

Gebo-gebo:

Khilaafka Xeerkan ka dhashay ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Somaliland oo toddobaaddadii u dambeeyey taagnaa, ayaa sababay in Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somalililand hirgelinta nidaamka dimuquraadiyadda iyo qabashada doorashooyinka ka taageeraa Wefti u soo direen si isugu soo dhaweeyaan Xukuumadda iyo Xisbiyada, hase ahaatee, illaa hadda lama oga natiijada isu-soo-dhawayntaas iyo halka ay salka dhigatay, balse dhinac waliba dooddiisa gaarka ah ayuu wataa, waxaana la filayaa haddii aan la soo afjarin khilaafkaas inuu intan uu hadda marayo ka sii xoogaysan karo.

XIGASHO: Himilo