Somaliland: Cudurka Covid-19 oo si lama filaan ah u Soo Laba-kacleeyey iyo Tirada Dad u geeriyooday

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay Shan qof gudaha dalka ugu geeriyoodeen Cudurka Covid-19 oo la sheegay inuu mar kale soo laba-kacleeyey.

In ka badan 180 qof, ayaa xannuunka laga helay saddexdii bilood ee u dambeeyey sannadkan, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo maanta la hadlay warbaahinta.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

”Bishan aynu hadda ku jirno 140 ayaa xannuunka laga helay, bishii ka horeysay waxay ahayd 27 qof, tii kasii horeysay 22 qof, markaa waxaan dareemi karnaa in uu kor-u-kac aad ahi jiro. Dhimashadu ilaa hadda waxay maraysa 5 qof,” ayuu yidhi Wasiiku.

Wasiirka ayaa sheegay in Soo laba kaclaynta Caabuqa CoronaVirus uu qiyaas ahaan boqolkii Shan kor-u-kac ah sameeyay maalmahii u danbeeyey marka laga qiyaas qaato tirada guud ee dadka la baadhay.

“Maalmahan u danbeeyay xaaladaha xanuunka Covid-19 kor bay usoo kacayeen, shalay oo u danbaysay dadkii la baadhay oo ahaa 400 waxa laga helay 20 oo macnaheedu tahay 100 kii qof 5 qof ayaa qaba, arrintaasi waa mid war-war abuuraysa oo waajib ka dhigaysa in lala dagaalamo,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Sida ku xusan mareegta xogta xannuunka Covid-19 ee Somaliland, tirada guud ee dadka xannuunka laga helay ayaa gaadhaysa 4,608 qof oo 311 ka mid ahi u geeriyoodeen xannuunka, waxaana ka bogsaday 3,899 Qof. Guud ahaan Somaliland, 51,903 qof ayaa xannuunka iska baadhay.

Toddoobaadkii hore waxa guud ahaan dalka ka bilaabmay wejiga 3aad ee tallaalka ka hor-tagga caabuqa Coronavirus, kaddib markii horaantii sannadkan dalka laga keenay Tallaalka lagaga hortago cudurka Covid-19.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net