Somaliland: Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo Qabtay 20 Doonyood Sifo Sharci-darro ah ku kalluumaysanayey

 

Saylac (SLpost)- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo saraakiil kale, ayaa socdaal dhinaca badda ah ku tagay Xeebaha galbeedka Somaliland, iyagoo safarkooda u maray Xeebaha Bulla-Xaar, Ceel-Sheekh iyo Saylac.

Safarka masuuiyiinta oo qaatay 12 saacadood, waxa ay weftigu ugu dambayntii gaadheen magaalada Saylac oo loogu sameeyey soo dhaweyn balaadhan oo uu horkacayey badhasaabka gobolka Salal iyo Saraakiishii ciidamada ilaalada Xeebaha ee ku sugan saldhigga ciidanka ee magaalada Saylac.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa mudadii ay halkaasi marayeen waxa ay hawlgalo ka sameeyeen xeebaha badda Somaliland, kuwaas oo soo qabtay 22 doonyood oo badda Somaliland si sharci darro ah uga kalluumaysanayey.

Soo dhaweyntaasi ay u sameeyeen masuuliyiinta gobolka Selel iyo taliska ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee Saylac kadib waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiintii weftiga horkacayey.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose