Somaliland: Beeraleyda dalka oo loo qaybinayo Siidh Waddani iyo Digniin Xukuumaddu kaga dhawaajisay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Md Axmed Muumin Seed, ayaa daboolka ka qaaday hirgelinta qorshe wasaaraddiisa oo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah ay siidh waddani ah ugu qaybinayaan Beeralayda dalka.

Wasiirka horumarinta Beeraha oo ka qayb-galay kulan ku saabsan diyaar-garowga xilli-roobaadka oo ay isugu yimaaddeen hay’adaha caalamiga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin iyo isu-duwayaasha gobollada ee wasaaradda, waxa uu sheegay inay sannadkan gudihiisa ay siidh waddani ah ugu qaybinayaan 18-kun oo beeralay ah.

Kulanka waxa ugu horeyn hadal ka jeediyey madaxa hay’adda Qaramnada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO, kaas oo Wasaaradda beeraha ku ammaanay kulanka u diyaargarowga xilli-roobaadka oo wasaaraddu soo qaban-qaabisay iyo qorsheyaasha ay ku dhiirri-gelinayaan beeraleyda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaradda beeruhu sannadkan ay bixin doonto shinni ama siidh loo qaybin doono 18 kun oo ka mida beeraleyda dalka, isla markaana lagu tabobari doono hab adeegsiga haboon ee wax-beerashada iyo la-dagaalanka aafooyinka dhibaatada u gaysta Beeraha oo Ayaxu ka mid yahay.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Md Axmed Muumin Seed oo gebo-gabadii ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha ay wasaaraddu Siidhka waddaniga ah ugu qaybinayso Beeralayda dalka, waxaanu sheegay inay wasaaradda beeruhu qorshaynayso in sannadkan 2021 ay wax-ka-beddesho nidaamkii hore ee ay beeraleydu wax u tabcan jireen, iyadoo beeraleyda dalka guud ahaan lagu tabo-bari doono qaababka casriga ah ee dalagga loo beerto.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in siidhka ay sannadkan u qabin doonaan uu yahay mid tayo badan oo ay wasaaradda beeruhu dalka gudihiisa ka soo saartay, isla markaana ay soo marisay tijaabooyinkii uu u baahnaa, iyadoo uu isu-duweyaasha kulanka ka qayb-galay uu faray in beeraleyda gobollada ay ka hawl-galaan aan laga qaybin wax siidh ah oo aanay ogeyn wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.netÂ