Somaliland: Beelaha Garxajis oo Guddi Cusub Doortay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddiga guud ee Beel-weynta Gar-xajis ee Somaliland, ayaa Maanta Shir ay ku qabteen Magaalada Hargeysa ku doortay Hoggaan cusub.

Shirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga Beel-weynta Gar-xajis, ayaa waxa lagu doortay Guddi ka kooban 40 Xubnood, kuwaasi oo iska sii dhex doortay Guddiga fulinta ee ka shaqaynaya Horumarinta Beeshaasi.

Guddiga fulinta, ayaa iyaguna iska sii dhex doortay Guddoomiye, Ku-xigeen iyo Afhayeen.

Advertisement

Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Suldaan Aadan Xasan Cabdillaahi, Guddoomiye ku-xigeena Rashiid Maxamed Ismaaciil, halka Suldaan Cawil Faatax Shire loo doortay Afhayeenka Guddigaasi.

Ugu horran waxa halkaa ka hadlay Suldaan Aadan Faarax oo ku hadlayey Magaca Madax-dhaqameedka Shirka ka qayb-galay.

Markaas ka dibna, waxa hadalka iska daba maray Afhayeenka Guddigaasi Suldaan Cawil Faatax Shire iyo Guddoomiyaha cusub ee la doortay Suldaan Aadan Xasan Cabdillaahi.

Suldaan Aadan Xasan Cabdillaahi, ayaa beddelaya Suldaan Cismaan Caddo-gude oo muddo xilkaa hayey.

Advertisement