Somaliland: 29 Shirkadood oo ku tartamaya Qandaraaska Dhismaha Macadka Shaqaalaha Dowladaha Hoose

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay tartan loo galayo dhismaha Macadka tabobarka Shaqaalaha Dowladaha Hoose ee dalka.

Mashruuca dhismaha Dugsiga ayaa lagu naadiyey Kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada, kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen xubnaha Guddiga, masuuliyiin ka socotay Macadka Dowladaha Hoose, Shirkado waddani ah oo u tartamaya fulinta mashruuca dhismaha Dugsiga tabobarka shaqaalaha dowladaha Hoose ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay inay mashruucan ku tartamayaan 29 shirkadood, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inay si caddaalad ah u kala saari doonaan shirkadahaas oo laga dhex-xulan doono Shirkad kaliya oo mashruucan fulisa.