Somaliland: 215 Shirkadood oo ku tartamay 20 Mashruuc oo miisaaniyadda Qaranka laga maal-gelinayo

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey natiijada tartan loo galay 20 Mashruuc oo loo fulinayo hay’adaha Xukuumadda, kuwaas oo maalgelintooda laga bixinayo miisaaniyadda Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan xubnaha Guddiga qandaraasyada, wakiillo ka socday shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee mashaariicda loo fulinayo, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay 20 Mashruuc ee loo fulinayo hay’adaha dowladda.

Mashaariicda oo Qandaraasyadooda ay ku tartameen in ka badan 200 Shirkadood, ayaa kala ah Dhismaha Biriish laga hirgelinayo magaalada Gabiley, Dhisme lagu kordhinayo wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Burco, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Boorama, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Balligubadle, Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Kala-baydh, Daabacadda Buugaagta Dalxiiska ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Gaadiid Kiro ah oo loo doonayo Wasaaradda Horurinta Caafimaadka, Qandaraaska Dawada Sheybaadhka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Calafka Xoolaha oo loo doonayo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Waxa kale oo mashaariicda ka mid ah Ballaadhinta Dhismaha Xannaanada Xoolaha ee degmada Oodweyne, Dhisme lagu kordhiyo Xarunta Xannaanada Xoolaha ee degmada Duruqsi, Dhismaha Xarunta Xannaanadaha Xoolaha ee Khaatumo ee gobolka Daadmadheedh, Dhismaha Kastamka Gambadha ee gobolka Sool, Dhismaha xafiiska shaqaalaha Kastamka madaarka Ceerigaabo, Dhismaha xafiiska Shaqaalaha Kastamka Shalcow ee gobolka Sanaag.

Dhismaha Xafiiska Shaqaalaha Kastamka Faraweyne, Qandaraaska Gaadiidka loo doonayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Cusbitaallada Maandhaye oo ku yaalla gobollada dalka, waxaanay Gaadiidkaasi kala yihiin Toddoba Mini-bus iyo 2 Lancruiser iyo ugu dambayntii Qandaraaska Daawooyin loo doonayo Cusbitaallada Dhimirka ee gobollada dalka.

Muuqaalka Hoose kaga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo shaaciyey magacyada Shirkado iyo Shaqsiyaad ku guulaystay 20-ka Mashruuc oo ay ku tartameen 215 Shirkadood.